KA DHEEROW DHIBKA WAALIDKA

    0

    ALLE  ayaa  mahadle ii suurto galiyey inaan qoro maqaal kan aan ka diyaari yey xaqa ay inagu leeyihiin labada waalid ee uu Ilahay inaga beerey ee aynu sabab tooda ku nimi aduunka.

    waxaan kaliya oo aan odhan kara  Alle danbiigoodo ha dhaafo oo haka waraabiyo janoo yin kiisa.hadaan is idhaahdo  inta nolashayda ka hadhay ka qor qoraalo ma soo koobi karo oo waxaan ogahay sharafta , qiimah ,karamda iyo xushmada uu alle siiyey waalidka.

    Culimadu way baraarujiyeen wax walba waxayna noo sheegeen in baarinimada waalidka lagu gaadhi karo JANNO.

    Waalidka ha cannaanan hana ku dhihin hadal xun oo ay dhibsadaan, ogow inaan xaqa waalidka la gudi karin.

    Hadaad labadaada waalid soo gaadho ama midkood oo aad ka kasban weydo janno waxaad noqotay mid khasaaray aduun iyo aakhiraba.

    Ammarka waalidka oo aad diido waxaad ku muteysan NAAR, waxaa ugu fiican salaadda oo aad waqtigeeda la tukado, camalka  kan xiga ama qodobka labaadna waa waalidka oo loo asxaan falo,ama la xanaaneeyo waayo waalidku waa ka ku keeney ifka.

    quruxda iyo sharafta aad dadka ku dhex gasho hada walalkeyga  ama walalshayda muslinka

    ahow waxaan kula jecely guul if iyo akhiroba inaad gaadho haddaba waxaad ku gaadhi kartaa inaad waalidka u samo fasho iyo inaad Illahay u samo fasho waxa nasiib leh qofka uu Ilahay isaga uu ku simay walidkii hadaba waxan kula jecelahay inaad gaadho guul if iyo akhiroba alle ha inga dhigo ku waa gaadha halka uu gaadho qofka aduunka ugu nasiibka badani oo ah raaligalinta  IlahaY.

    Xaqa hooyada ayaa saddex jeer ka badan xaqa uu Aabuhu kugu leeyahay (xaqa 1, 2, 3, waxaa kugu leh Hooyada xaqa afraadna aabaha) waxaa halkaa kaaga cad in hooyadu ka xaq weyn tahay aabaha xaqeedana aan la gudi karin, adiga iyo xoolahaagaba aabaha ayaa iska leh iskaba daa hooyada oo kasii xaq weyne.

    waxa aynu ogney in ay hooyadu tahay baraha nololsha iyo guusha akhiro hadaba waxaan xaqiiqa inaad hooyada xaqeeda anaad gudi karin hal maalin oo aad ka yara dhici gaadhay oo ay naxdey hadaba inataad meel kale ka raadineyso sida: jano waxa ay ku jirtaa waalidka intuu ku jiro ee ka faadeyso intada aad arkeyso waalidkaa gaar ahaan hoooyada isga oo uu abuuhu na uu yahay waalid qaaliya oo waxa ay kala yihiin abo iyo hooyo ee ilahay ayaa kala siiyey xaqa oo inoo tilmaamay sida ay xaqa u kala leeyiin.

    sidoo kale in nafteeda, dhabteeda , dusheeda aan raaxo iyo dugsi ka helno.

    Ogow hooyadu aduunkan sharaf iyo xaqdhowr ay nagu leedahay marka ay dhimatana u ducee in ay sharaf  ku noolaato aakhirana alle uu janooyinkiisa ku casuumo.

    Hal –Abuurkeena soomaliyeed  ayaa ka diyaarshay gabayo heesooyi iyo maansooyin dhamaantooddna ku amaanayaan hoyada iyo wanaageeda .

    Han soo qadano  gabaygii uu sameeyey Abwaankii weynaa ee Maxamad Warsame Hadraawi ee uu ku luqeeyay boqorka codka Maxamad Saleeban Tubeec hadii aan woxoogaa kasoo qaato abwaanku wuxuu ka Yidhi sifaha hooyada.

    Hooyoy la’aantaa, adduunyadu hubaashii

    habeen kama baxdeenoo, iftiin lama heleen

     

    Dadku uma hayaameen, dayax heego joogoo

    sida haad ma fuuleen, xiddig hawd ka lulatoo

    hawo laguma gaadheen, hubka laguma tuureen

    cirka hirar ka muuqdoo, ruuxaad hagaysiyo

    usha midaad u haysaa, hilin toosan waligii

    ka habaabi mayee

     

    hooyoy addoomuhu. halkay maanta joogaan

    adigow horseedee. intaad hanad xambaartee

    haaneedka siisee. horaaddada jaqsiisee

    habtay baan xisaab iyo, tiro lagu helaynine

     

    Marka aad nin hiil-loo, laga baqo hashiisaa

    lama hure dhashaa baa, hooyo lagu xusuustaa.

     

    Marka aad nin hoo-loo, marti hagar ka galinoo

    gurigiisa habaqluhu, isku soo halleeyoo

    hayntiisa quudhoo, hor ilaahay geystiyo

    lama hure dhashaa baa, hooyoy lagu xusuustaa.

     

    Marka aad nin himillada, hilin toosan mariyoo

    hir markii la gaadhaba, ku labaad hilaadshoo

    haga maatadiisoo, la higsade dhashaa baa

    hooyo lagu xusuustaa.

     

    Marka aad nin hooggiyo, ka hor taga dagaalkoo

    dabka hura baqtiiyoo, garta hubin yaqaannoo

    xaqa hoos u eegoo, halistiyo colaadaha

    ku hagoogta dhiiggoo, dadka kala hagaajoo

    kala hage dhashaa baa, hooyo lagu xusuustaa.

     

    Markaad hoobal caanoo, sacabka iyo heellada

    labadadba hagaajoo, hindisaha farshaxanoo

    hab-dhaca iyo luuqdiyo, rabbi hibo u siiyoo

    hawraarta maansada, heensayn yaqaan iyo

    hal-abuur dhashaa baa, hooyo lagu xasuustaa.

     

    Dumar iyo haween baa, nolol lagu haweystaa

    kuwa lagu hammiyayee, sida hawd caleen wayn

    lagu wada hamuumee, ishu halacsanaysaa

    hablahaaga weeyee

     

    marka guur la haybshee, gabadh heego dheeroo

    hoobaan la moodoo, karti iyo hub-qaadloo

    quruxdana ka hodanoo, hirta laga aroosaa

    hooyo lagu xusuustaa.

    Hooyoy la,aantaa, higgaad lama barteenoo

    hooyoy la,aantaa, hadal lama kareenoo

    ruuxaanad habinoo, kolba aanad hees iyo

    hoobey ku sabinoo, hawshaada waayaa

    hanaqaadi maayee

    abwaankaa weyn ee soomaliyeed waxan Illahay ugu barayayaa danbi dhaaf.

    culimada soomalidu waxay kaga hadleen muxaadarooyin oo ay ku  sheegeen xaquuqda waalidka ku leeyahay ubadkiisa.

    Waxaana lagu soo koobay waalidka oo baari loo noqddo.

    culimadu waxay baraarujiyeen ciid walba waxayna noo sheegeen in baarinimada waalidka lagu gaadhi karo janno.

    DHamaan umada afka soomaliga ku hadasha iyo cidii uu soo gaadho qoraal kaygani ee aan u samo falin waalidkood waxaan odhan lahaa maanta wxaad haysataa fursad taasi oo ah inaad danbi dhaaf oo aad ku mudan karto inaad u samo fasho waalidkaa waxaad arkeysaa dad malin kasta ku dadaala in ay raadi yaan jano. laakiin janada ka raadi waalidka.

    waxa aan arkay maalintiii aduunka iigu naxdiinta  badaneyd wiil dilaya Aabihii

    oo kuleh “waxad cuntey lacagtii  aan lahaa iyo xoolii xaaskeyga iyo caruurteyda”

    hadad arki lahayd waad ooyi lahayd  anigu waxaan ku xusuusta  maalin kasta oo aan joogo iyo marksta oo aan meeshii soo maro  waalaahi waan  xasuusta.

    waxaan is weeydii yey maanu ogeyn inuu isaga dhan uu ku yimi aduunka Aabihii iyo hooyadii inta Illahay ka so keysa waxa nasiib daro ah in uu qofku garan waayo xaqa waalidka . waxa nasiib leh qofka uu Illahay guuday xaqa  labadii sa waalid .l hadaba waalidkaa u samo fal oo ku dadaal in ay ka raali noqdaan  markasta oo uu waalidka ka raali yahay waxa ka raaliya Illahay

    hadaba ilaa maanta hadaan is idhaa qoraal ka diyaari xaqa waalidka iyo sharaf ta ay leeyiin ma soo koobi karo oo adaan ka waxa ugu qaalisani waa waalidka iyo wanaaga ay leeyiin

    waxaan ku soo koobi lahaa qoraal kaygan yar ee aan ka diriyey waalidka iyo xaqa ay leeyin

    Illahay ha inaga dhigo ku wa garta xaqa iyo dhowrsananta  ku wa aan garaneeyna xaqa waalidka alle ha tuso inta taqaana alle hagu guuleyo wanaaga ay u sameeyeen waalid kood.

    dhamaanteen waxaan inoo rajeenayaa guul if iyo akhiroba

    waxaan inaga raali galinayaa akhriiste yaal wixii khalada ee ka yimaada maqaal kan waaayo qofku waa khaldamaa oo alle ayaan khaldamin ee isoo toosiya wixii khalada ee aad ka aragataan qoraalka waayo taladiinu waa mihiim

     

    ALLE AYAA MAHADLE

    WQ/samsam ismacil cabdi