Cirro Oo Xoghayaha Warfaafinta U Magacaabay Cabdirashiid Xasan Mataan

    0

    Hargyesa(SLpost)-Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa u magacaabay xoghayaha warfaafinta Cabdirashiid Xasan Mataan oo dhawaan ku soo biiray xisbiga Waddani., qoraal kooban oo arintan ku saabsan wax auu u dhignaa sidan

     Markan dersey: Qodobka 28 aad ee Xisbiga WADDANI

    Markaan Arkay:   Baahida  loo qaba buuxintA jagada Xoghayaha War-faafinta

    Markan La Tashaday: Xubnaha Hoggaankaa Xisbiga WADDANI

    Marka Aan Ku Qancay: Waayo aragnimada iyo aqoonta uu leeyahay Md C/rashiid Xasan Mataan

    Maanta oo ay taariikhdu tahay March,9.2016 wuxuu hoggaanka Xisbiga WADDANI  go’aamiyey in Mudane C/rashiid Xasan Mataan uu noqdo Xoghayaha war-faafinta Xisbiga WADDANI

    Waxaanu ilaahay uga baaryayaa in uu ku soo kordhiyo  Xisbiga WADDANI figrado wax-ku-ool ah iyo in uu ku soo biirin doono waayo-aragnimo iyo khibraadiisa u gaarka ah .

                                                                ALLAA MAHAD LEH

    Md:C/raxmaan Maxamed C/laahi “Cirro”