Nin waliba dhitadi uu dhigtaa looga dhurayaa

    0

    Ugu yaraan waa 85 jir soomaali ah kursiga hore ee baabuurka ayaanu wada fuushanahay maadaama jidku rafiiq naga dhigay ayaan bariido kadib warsaday halka uu ku egyahay wuxuuna  iigu koobay halka madheedhka inoogu dhaw!!
    Anigoo markaa fahmay ayaan hadal danbe u celin
    Balse waxu bilaabay sheeko musalsal iila ekaatay badhkeedna aan ku ogaa buugii Kun habeen iyo habeen balse aasaar qadiim ah oo soomaaliyeed lagu jarjaray
    Halkan ceelkan aynu galabta ka carrawnay iyo ceelka Danood ah
    Hal ceel oo wiyeer ahi uma dhexayn
    Halkaan kuugu duurxulay ayaanu Geela kasoo aroorinjiray
    Halkan hadda aynu maraynana labada guul ayuu fadhiisan jiray Guul iyo ooman iyo Guul cokan
    beledka timir ayaa laga heli jiray wax jidiin ah balse meel walba waxaa lagu tagi jiray adin ama lug
    Sidanse ma ahayn
    Ninbaa maalin idaacad ka sheegay nin giriig ah oo muddo dheer jiray taariikho badan iyo waayo badanna u soo joogay balse aan alle wayne caruur siinin
    Maalintii danbe ayuu ku yiri xaaskiisii ay aadka u wada jeclaayeen inuu alle wayne caruur siiyo waxaa manaam laygu tusay iyadoo wiil inoo dhashay
    Balse maaha mid fiican !!
    gabadhii maxaa dhacay !!
    Ninkii waxaa kale oo lay tusay isagoo aniga i dilay !!!
    Subxaana laah !!
    Hadii waayo la joogo ayay gabadhii isku ogaatay inay uur leedahay hadii wakhtigiisii dhamaadayna waxay dhashay wiil aad iyo aad u quruxbadan !!
    Balse gabadhii shaki ayaa ku habsaday
    Waxayna odaygii u sheegtay wiilkii uu sheegay inuu kan yahay
    Waxay isla markaa ku tashadeen inay ilmaha tuuraan !!
    Adhiraac tuulada ka sii kalahaya ayaa loo odaygii u dhiibay wiilkii wuxuuna faray inuu buurtii dheerayd ee buur hebla ahayd qawgii ugu dheeraa ka tuuro waxna cid aanu u sheegin
    Adhiraacii oo wiilkii la sii fananaya buur dheer ayay iska hor yimaadeen adhiraac kale goortuu xogta siiyayna wuxuu kusoo kordhiyay inuu wiilka u dhiibo adhyahana lasii joogo
    isna wuu lasoo dhalandhoolay xagii magaalada iyo odaygii wiilka dhalay
    Goortuu odaygii soo hor istaagay ayuu yiri wiilkaa waxaan ka helay buurtii dheerayd ee hebla qawgii ugu dheeraa hoostiisa
    Adigaana kuulasoo qasdiyay!!
    Hadiiba odaygii waa farxay wiilkiina waa gudoontay
    Balse wuxuu adhijirkii faray inaanu cidna wax u sheegin inuu wiil helay
    iyadoo caruurtii kuwii ka yaryaraa kaceen isna ugu waynyahay ayaa waayo kadib la wada hadlay iyadoo la kaftamayo ayaa wiilkii lagu yidhi oo adhigu maadigaa nala walaal ah meel baa lagaasoo helaye
    Halkaa marka uu ii marinahayo
    Xaajigii Soomaaliga ahaa ayaa idaacaddii nagu dheeraatay weriyihiina waa kabaxay idaacaddii
    “Aniguna ninka ninkaa matalaya ayaan ahay”
    Maadaama oo aan garanayo caasimaddan oo Labo kaam ah
    Ayuu iigu asturay hadalka oo darewalkuna nala dhuuxayo
    Yaab iyo naxdin!!!
    Ma xaga Da’doo kaliya ayuu uga socdaa?
    Ma Dhibkaasaa la mariyay?
    Ma giriigiibaaba?
    Oo waad isu diir egtihiine!!!
    Aniga ayaa sidaa ku sheekaysanaya goortii weriyuhu nooga baxay idaacadda
    Lasco 2

    isla markiiba waxaan soo tuuray nin oday ah cimriga alle siiyayna dheeraa deegaanka aanu hadda ku jeedno ahaa wakhti wakhtiyada kamid ahna aanu kulanay waxna aan ka reebay
    Waa qodobka aan qaatay anigana ii fudud inuu xaajigu ninkaa ka shabaho xaga da’da iyo waynaanta waa giriigee
    hadaba waa inaan sxbkaygii godgalay balse magaalooyinka hadda aanu ku wajahanay badhkood dabkii u horeeyay isagu ku shiday waa lagama maarmaan inaan waydiiyaa!! ama aan soo qaadaa
    Guray waad taqaanay?
    alla adeer ma guray? Waa lodkaygii
    Ayuu yiri isagoo markaa soo hinqanaya gacantana salaan igulasoo booday isku kacaan baanu ahayn halkaas ayaan ka dhexgaly
    Wuxuu ii sheegay markaanu is aragnay inuu jiray markii isaga ugu danbaysay 120 sano jir !!
    Dhawr jeer oo aan waydiiyay wiilal uu awoowe u yahayna waxay ii tibaaxeen inay ahayd wakhtiga uu sheegayaa ugu yaraan 6 sano ka hor hadiibana uu jiro 126 sano inta shaki la’aanta ah
    Mayirkiisa iyo maankiisuna taam yihiin
    Muruqiisana uuba dhalinyarada kula cayaaro wakhtiyada qaar isagoo xoogiisa ku tijaabiya
    Hadaan halkaa marayo shucuurtiisana aan si dhiibli ah u lasocdo ayaan dareemay inaanu godku halkaa ahayn !!!
    balse waan u sii wadaa
    Wuxuu guray ii sheegay inuu belwed abidkii hal maalin afka galiyay qaad subixiina calaamad gooni ah oo aanu lahayn isku arkay maalintaasna ay ugu danbaysay balse uu u werwero raga maalin walba calaamadaa arkidoona
    Waa igasii jeedaa!!!
    igamana neefin oo waa jare weli taagan !!!!!
    waxay calooshu is rogaysaa ugu yaraan 5 saacadood iyo dheeraad
    Amintu waa habeenka kalabadhkiisa
    Darewalka oo mar igu yidhi indhaha ayaan isku qabsaday ayaan maaweelinayaa anigoo sii kala jeeda qolofkaygu darawalka la hadlayo qalbiguse xaajigan soomaaliyeed durraamanayo
    Ayaanu goynay waddo markaas ayuu yidhi jimcihii ina dhaafay jimcihiisii ku saddex ahaa halkan ayaa lay mariyay anigoo maxbuus ah oo labo qori hareeraha la igala fadhiyo
    Aniga Ma adiga?
    Odayga Haa !!
    Aniga Haye !!
    Odayga Dee waa haye !!
    Saw wax walba la arki maayo !!
    Ayuu igu celiyay isagoo qosol yar muusoonaya
    Waxkalana ma ahayne waxaan galay ayay ahayd!!
    Aniga Waayahay
    Odayga waxba yaanan hadal kugu daaline
    Wiilal aan dhalay oo 8 ah ayaan mid u dulmay oo hebel ka idhi isagaa idin horjoogaya
    Waan dhaqay oo u dhisay oo u koriyay oo kor u qaaday
    Markaasaa waatan dadku wada xumaadeen wegan danbee
    Waxaanu ku wada hadallay arin dhaqaale iyo xoolihii oo dayacan
    Aniga haye
    Oday Halkaa markay marayso ayaa waxaa iisoi heshiiyay isaga iyo niman jirri ay wax wada cunaan
    Aniga Haye
    Tuulada ayaana arin lagusoo abaabulay
    Haye
    Maalinbaan adhigoo arooray ayaan waxka arooriyay galabtiina tuuladaan kaga yar hadhay
    Habeenkii markaan guriga isasoo taagay ayaan waxaan arkay Gaadhi ciidan  iyo geysh raga oo halkan guriga hortiisa darib isla dhacaya
    Iyo dumarkii oo u shaqaynaya
    Salaan kadib waxaa laygu yidhi halkaa gurigaaga hortiisa ardaagaagii fadhiiso anagaa kuu imanaynee
    Haye
    War danba waa u fadhiisane
    Duulaankani waa meelma
    Adigaa lagugusoo duulaye halkaa tag  anagaa kuu waramiye
    Waayahay
    Haddiiba gogol aan ku yar dul kadaloobsaday ayaa waxa ii yimi labo askari iyo nin aan dibadaha ku ogaa oo aanu ilmo adeer nahay
    oo askarta dabadooda taagan
    Oday adigaanu kuu nimi subaxana waa baxaynaa baabuurkaas ayaynu fuulaynaaye hore isaga seexo nabadgelyo!! Ayaa laygu yidhi hadalna laymaba odhan!!
    Waagu haduu soodhawaaday salaad subaxna aan u diyaar garoobay guriga iridiisana kasoo baxay mise labo askari ayaa midba dhinac taaganyahay oo digtoon qorigana keebka haysta!!!
    Waayahay
    Hadaan midba dhan u eegaybaa lay faray inaan gacmaha taago horena u dhaqaaqo iyo xaga gaadhiga
    Hadaan hadalkalena aanan dalicin
    Goortaan daaqadda gaadhiga marayo ayaan qosol is hayn kariwaayay oo idhi war heedhe ma wax kalaad aragtaan oo aan aniga ahayn??
    Anigu belo ma wado cidna dili maayo ee waad ba cadaabantihiin ader is dajiya oo iska nafisa baabuurkana aan caadi u raaco war kaleba ha joogee
    Maya ee gaadhiga gal
    Waayahay
    Baabuurkiii galay midba dhinac igasoo cidhiidhi sidaana magaaladii ku galay
    Saldhig police halkii noogu sokeaysayna la igu dalaqdii
    34 saacadood goortaan ku jiray aya la ii yimi
    Ma tawbad keenaysaa mise 6 biloodbayaa laguu diraa
    War ilaahay baa toobad lehe maxaa jira ina mari xagaas ayaynu ku wada hadlaynaaye
    guri magaalada ku yaal ayaan tagay
    Waxaana la ii sheegay inaan xabsi guri kujiro 15 maalmood kadibana aan tagi karo hadal kale hadaan dallacona 6 oo xadhig ah aan u diyaar garoobo!!
    Aniga ninkii hawshan falay wuxuu doono ha yidhaahdo miyaydaan dadka kale is fahmin
    Adiguse aadan la hadal
    Odayga maya hadaan afka kala qaado amar baalaygu ridaa waxaana la ii sheegay inaan caadi ahayn dadna halis galiyay
    Balse waa wax aan anigu sameeyay iyo dulmi aan galay oo layga guday
    Cajab
    Aniga hadda maxay hawshii ku dhamaatay?
    Oday afkayga ayaan haysanayaa dee hadaan hadlo waa lay xidhayaaye
    Cajab
    Aniga Ninka sidaa sameeyay waa nin aad dhashay lkn ma isku dayday inaad dadka ka dhaadhiciso inaadan siduu sheegay ahayn?
    Maya dadku naftooda ayay igala fogaanayeen
    Oo waxaa layidhi ninkani waa dilaa
    Gacan madhan kugu dilikara!!!

    Runtii ilmo ayaa qoysay laabtay yaab urugo iyo amakaag
    Waana nasiibdarro balse
    Waxaa yaalla

    Nin waliba wixii uu dhigtaa looga dhurayaa

    Qalinkii
    Abdijibaar Aadan Gaas
    Abwaan Shanlle

    On 7 Mar 2016 16:47, gaas499@gmail.com wrote:

    Nin waliba dhitadi uu dhigtaa looga dhurayaa
    ————————————–