Madaxweynaha Masar Oo ku Dhawaaqay In Diyaaradii Ruushka Ay Argagixiso Soo Riday Isaga Oo Hore U Diiday Arintaas

    0

    Masar(Slpost)-Madaxwaynaha Masar Cabdel Fattax al Sisi ayaa markii ugu horaysay sheegay in diyaaradii Ruushka ee ku dhacday gacanka Sinai ay soo rideen argagixiso.

    Sisi

    Isagoo ka hadlaya Telefishinka, ayuu sheegay in weerarka loogu tala galay sidii qasaaro loogu gaysan lahaa dalxiiska Masar iyo xidhiidhka ay la leedahay Ruushka.

    Ruushka ayaa sheegay in diyaarada bomb lagu qarxiyay, iyadoo ay ku dhinteen laba boqol iyo labaatan afar qof. Sisi ayaa horay u diiday diyaarada inay soo rideen argagigixiso.