YAA KA MASUULA DAYACA XOOLAHA

    0

    Waxaynu ogsoonahay kaalinta xooluhu kaga jiraan dhaqaalaha iyo suuqyada ganacsiga dalkeena iyo cashuurta adag ee Dawladu ka hesho.
    Hadaba Waxa sanadkii xoolaha dalkeena dib loogu celiyaa mar keliya oo talaal ah(one vaccination campaign)oo FAO maalgeliso 100% iyo daawayn labadii Sano Hal mar ah oo laga fuliyo 3da gobol ee bariga (Togdheer, sool iyo sanaag) oo ay Maal geliso hayada bisha cas 100%.

    Mana aha wax ku filan, sababta ay ku timina  waa mid isweydiin mudan.
    1. Ma Aqoonta masuuliyiinta ugu sareysa Wasaarada ayaa ah mid keeni kara dayaca haysta xoolaha

     Inkastoo ay haboonayd in Mishiinka shaqada Wasaaradu uu ahaado Qof aqoon u leh xoolaha.

    2. Ma wasaarada ayaan lahayn miisaaniyad lagu sameeyo treatment and vaccination campaigns, si looga talaalo xanuunada tirada badan ee ganacsiga saameeya. (Joojiya)
    3.  Ma Dhakhaatiirta xoolaha ayaa kaalintoodii gabbay siiba Dhakhaatiirta xoolaha ee wasaarada ka hawl gala sida, Agaasime waaxeedyada iyo Veterinary Board-ka.

    Maadaama ay yihiin kuwa Madaxda Wasaaradu ka talo geliso Hawlaha daryeelka iyo caafimaadka xoolaha.
    Iyagoo lagu tuhmayo aqoontii loo baahnaa.
    Hadaba.:-
    . Mudane wasiir waxaan kaa filaynaa inaad wasaaradan LNGO noqotay ee hayado wax ka sugaysa aad budget u samayso si xoolaha loo daryeelo. 
    Waa hadii aanay lahayn wax ku filan. 
    . Mudane Wasiir waxaan ku ogaysiinayaa in lagaa filayo isku shaandhayn aad ku sameyso dhamaan waaxyaha wasaarada, si meesha Looga saaro musuqa iyo hufnaan la,aanta shaqo ee ragaadiyey wasaarada. 
    . Si aad u samaysato team adag oo firfircoon si ay kuugu garab siiyaan masuuliyada iyo Xilka ku saaran. 
    . Iyo Inaad kootada ka saarto veterinary Board-ka oo dhawr Qof ay ku adeegtaan una noqdo mid u furan dhamaan bahda Dhakhaatiirta xoolaha. 
    Veterinary Board-ku maaha inay ku mashquulaan Dhakhaatiirta kale ee waa inay talo ku lahaadaan hawlaha wasaarada iyo xiliyada ku haboon xanuunada la talaalayo si aanay u dhicin in xanuun xoolaha ku jira talaal la siinin, Ama wakhtigay dawada u baahnaayeen uga dib dhicin. 
    Xoolaheenu daryeel iyo
    Xanaanay doonayaan
    Duunyadeenu dhaqashiyo
    Daawo ayay rabaan
    Ruux danayste ahoo
    Dollar raadinayay
    Dudo ula hoydaan
    Dugsi kula jiraane
    Ruux Daryeel u fidiyoo
    Samorin dilaalin
    Oxy-dana daadin
    Markay duugawdee
    Wakhtigeedu dam yidhi
    Daacuflaha walwaaloo
    Dabka ku soo shidee ogow
     By Abdifatah Ali Adan ( Xaad )