Hargeysa (SLpost) Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo, ayaa isku-shaandheyn ku sameeyey golihiisa xukuumadda, waxaanu madaxweynuhu digreeto uu caawa soo saaray uu isku beddel, magacaabis iyo xil-ka-qaadis ku sameeyey wasiirrada, wasiir ku-xigeenno iyo masuuliyiin sar-sare.
Madaxweynuhu waxa uu isku beddel ku sameeyey Wasiirradii Wasaaradaha Warfaafinta, Duulista Hawada, Xannaanaha Xoolaha, waxaanu madaxweynuhu wasiirka wasaaradda Warfaafinta ee cusub u magacaabay wasiirkii Wasaaradda Duulista Cismaan Cabdilaahi Saxardiid, halka wasiirkii warfaafinta uu u magacaabay wasiirka cusub ee wasaaradda Xannannada Xoolaha, wasiirkii wasaaraddaasna waxa uu u beddelay inuu noqdo wasiirka cusub ee wasaaradda Duulista iyo Hawada.
Digreetada Madaxweynaha ayaa u qornayd sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu caawa Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3830/022016 uu Magacaabis, Xilka qaadis iyo Bedel ku sameeyey Masuuliyiin kala duwan.
MADAXWEYNUHU:
Markuu Arkay:Â Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:Â In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan Wasaaraddaha, iyo Gobolada,
Markuu Ka Fiirsaday:Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;
Markuu Ku Qancay:Inay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
1Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Wasiirkii hore ee Duulista Hawada Mudane, Cismaan Cabdillaahi Saxardiid Waxa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta
2             Mudane, Cabdillaahi Maxamed Daahir, Wasiirkii Warfaafinta waxa loo magacaabay    Wasiirka Xannaanada Xoolaha
3             Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax ,  Wasiirka Xannaanada Xoolaha waxa loo magacaabay  Wasiirka Duulista Hawada
4             Mudane, Muuse Qaasim Cumar               Wasiirka Ganacsiga         Xil Suge
5             Mudane, Yaasiin Maxamed Shide            Guddoomiyaha Gobolka Sool    Xil Suge
6             Mudane, Xuseen Aadan Cige    Af-hayeenka Madaxtooyada     Wasiirka Ganacsiga
7             Mudane, Mawliid Maxamuud Ibraahin Wasiir Ku-xigeen W. Xidhidhka Golayasha           Xil Ka Qaadis
8             Mudane, Cabdillaahi Maxamed Carey   Maareeyaha Madbacadda Qaranka        Xil Ka Qaadis
9             Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud             Wasiir Ku-xigeen W. Duulista, waxa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeen W. Ganacsiga
10          Mudane, Kaysar Cabdillaahi Maxamed  Wasiir Ku-xigeen W. Ganacsiga, waxa loo magaacbay Wasiir Ku-xigen W. Qorshaynta
11          Mudane, Cabdi Yuusuf (Cabdi Wadad)  Wasiir Ku-xigeen W. Qorshaynta     waxa loo magacaabay Wasiir Ku-xigen W. Kalluumaysiga
12          Mudane, Naasir Ayjeex Jaamac                                Wasiir Ku-xigenka W. X. Golayasha
13          Mudane, Maxamed X. Aadan Cilmi         Wasiir Ku-xigeen W. Kalluumaysiga   waxa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha W. Waxbarashada
14          Mudane, Axmed Nuur Faahiye Wasiiru Dawlaha W. Waxbarashada     waxa loo magacaanbay  Wasiiru Dawlaha W. Duulista
15          Mudane, Xamse Maxamed Cabdi waxa loo magacaaabay    Guddoomiyaha Gobolka Gabiley
16          Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)   Guddoomiyaha Gobolka Gabiley, waxa loo magacaabay      Guddoomiyaha Gobolka Sool
17Â Â Â Â Â Â Â Â Â Â Mudane, Cabdiraxmaan Aw Cilmi Fahiye (Shamax)Â Â Â waxa loo magacaabay Afhayeenka Madaxtooyada
18          Mudane, Siciid Saalax Shire waxa loo magacaabay Maareeyaha Madbacadda Qaranka.”

