Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Magacaabay Gudi Abaaraha Dalka Ka Jira Ka Hawlgasha Xili Xaaladu Deegaano Badan Ku Adagtahay

    0

    Hargeysa(SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/MG/083-3825/022016 ku Magacaabay Gudi heer qaran ah oo u xilsaaran Abaaraha dalka ka jira, gudidaas oo uu Gudoomiye u noqon doona Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

    Xubnaha Gudida Madaxweynuhu Magacaabay.

    Ku: Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland

    Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)

    Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

    Mudane Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed

    Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

    Marwo Samsam Cabdi Aadan

    Ku: Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah

    Dr. Muuse Qaasim Cumar

    Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga

    Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami

    Ku: Xog-hayaha Golaha Wasiirrada

    Mudane Sharmarke Axmed Muxumed

    Ku: Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga

    Muddane Maxamed Shukri Jaamac 

    Ku: Mudane, Farxaan Liibaan Axmed

    Ku: Mudane, Maxamed Cali Maxamed

    Ku: Mudane, Cabdiraxmaan Faarax Xarbi

    Ku: Mudane, Cabdi-wahaab Maax Maxamed

    Ku: Mudane, Cabdiraxmaan Cali Cabdi

     Ku: Sheekh, Ciise Maxamuud Cabdillaahi

    Ku: Sheekh, Cawil Faatax Shire

    Ku: Sheekh, Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Sheekh Cabdi

    Ku: Sheekh, Maxamed Aadan Muxumed

    Ku: Sheekh, Xasan Cabdi-salaan Sheekh Cali

    Ujeeddo: Magacaabid Guddi

    Mudanayaal,

    Sida aad la socotaan, waxa dalka ka jira abaaro ba’an oo waxyeelo u gaystay xoolihii, daaqii iyo dadkiiba. Sidaas darteed, waxa daruuri ah in gurmad bini’aadanimo oo degdeg ah la gaadhsiiyo Bulshada Somaliland ee ay abaaruhu sameeyeen.

    Haddaba, waxaan idiin magacaabay inaad noqotaan Guddida u xilsaaran isku-dubarididda qaadhaan uruurinta dadweynaha iyo qorshaynta kaalmada la gaadhsiinayo dadkaas tabaalaysan, waxaana Guddoomiye idiin noqon doona Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

    Waxaan idinka rajaynayaa in aad hawshaas xil mug leh iska saari doontaan.

    ALLAA MAHAD LEH

    Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

    Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)