Hogaamiyahii Mucaaradka Koonfurta Suudaan Oo Laga Dhigay Madaxweyne Ku Xigeen

    0

    Hargeysa(SLpost)-Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir ayaa madaxweyne ku xigeen u magacaabay ninka uu loolanka siyaasadeed kala dhaxeeyay ee Riek Machar

    1s

    Tilaabaddan ayaa muujineysa horumar laga gaaray dadaalka loogu jiro nabad waarta oo dalkaasi ka dhalata. Riek Machar ayaa xilka haatan loo magacaabay horey u hayay ka hor inta labadan nin aysan is mucaaradin.

    Tan iyo dhammaadkii sanadkii 2013-kii ayaa xoogag daacad u ah labadani hoggaamiye waxa dhex marayay dagaal sokeeye oo aad u kharaar

    Dagaalkaasi oo barakiciyay hal milyan iyo shan boqol oo kun oo qof iyo waliba burburka hanti badan

    Machar ayaa soo dhaweeyay xilkaasi mar kale loo magacaabay kaddib heshiiskii awood qaybsiga ee la saxiixay bishii August ee sanadkii la soo dhaafay

    South Sudan ayaa ka go’day dalka Sudan oo laftirkiisa ay mudo dheer wadadagaalamayeen

    Arimaha sida weyn la isugu hayay ayaa ahaa mid ka bilowday labada qabiil ee waawayn oo kala qaybsamay