SIYAASADDU MA AF INGIRIISI KU HADALBAA

    0

    O7 / 2 / 2016

    Siyaasadu ma af ingiriisibaa

    Waa keene iyo kordhiye.

    KEENE. Waaryaa kordhiye saaxiib waxaan ku wey-diiyay Siyaasadu ma wax la bartaabaa mise kii afar ingirii-siya Oo jajaban ku hadla-yaaba waa siyaasi .

    Dabeetana wasiirbaa laga dhiga-yaa mar hadday sidaa tahay Mid yaraan awoow u ahay ayaa sida caanaha u qudhqudhina-yee Aan wasiir la doonto .

    KORDHIYE . saaxiib haddaan kaaga jawaabo siyaasaddu waa Wax si gaara loo barto sida caafimaad-ka dhaqaalaha iyo wixii La mida daunidan hore u martay aad maqashay waxay hora

    Ugu mareen qof waliba waxa uu bartay oo uu weliba heerka Ugu sarreeya ka gaadhay ayuunbaa loo diraa maaha yaa af Ingiriisi yaqaana .

    Laakiin dhibta innaga ina haysaa waa qofkii oo meeshii uu ku Habboonaa aan loo dirayn . Markaa waxaad arkaysaa in weli aynaan noqon waddani-yiin Noqonna mayno waxa aynu qaadnay waddo aad uqaloocan

    Taasuunbaa-nay kala dhaxlaysaa .

    Saaka waxaan warbaahinta ka daawaday wasiir shir jaraa,id Qabtay oo sidii uu uhadlaayay aan anigu khajilay oo ahayd Hadalka maqaaxiyaa lagaga hadlo ee dhadhan-ka yar Isma odhanayo wasiirbaad-tee is basri oo hadalkaaga qiimo Uyeel waxaanu ahaa laba wasiiro ka hadlaa-yay arinta TIYAATARKA Weliba hadalkiisii waxa ka mid ahaa wax aanu la hayn-baa la siiyee yay ahayd inuu u mahad-naqo .

    Waan qoslay markaa dabeed waxaan ku idhi aday kugu habboontay Inaad M/WEYNAHA u mahad-naqdo waayo adoo AAN WAXBA AHAYN ayuu maalqabeen iyo wasiir kaa dhigay Oo uu kuu boobay hantidii qaranka.

     Mahadna(ALLAA ) Iskale

    GUULEED LIIBAAN (CAYNABO )