Hargeysa(SLpost)-Taliyii saldhiga Ibraahin Koodbuur ayaa xilkii laga qaaday isla markaasna la xidhay iyada oo lagu haysto inuu saldhigaas u fasaxay inuu soo booqdo gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro, waxaana talaabadan Canbaareyay xisbiga Waddani oo ku tilmaamay talaabo dhanka qaldan loo qaaday.

