Cali Sugulle Dun-carbeed: Dawankii Xornimada: Q.3aad- W/Q-Khadar Hayl

    0

    Webtii cawke anigoon ka kaban, welina dhiillaysan
    Anigoon wadnuhu ii garrayn, wahabna aan goynin
    Caawana ma weer baan xidhnahay, Cali intaan waayey
    Waddaniga abwaankii ahaa, waracii suugaanta
    Ma-waabtihii gumaystaha nec baa, warankii qoomaayey
    Dun-carbeedna maantuu wed helay dunidu waa wiige

    Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”

    Oo haddana kuye, weli waxa aynu dhex-mushaaxaynaynaa sooyaalkii iyo suugaantii badda ahayd ee AHN buunigii maansada, abwaan Cali Sugulle “Dun-carbeed,” bal maantana aynu ku hakanno oo isla eegno wixii uu marxuumku kaga qayb-qaatay habeenkii ay farxaddu ku gadaannayd ee xornimada, habeenkii heeryadii guumaysi la tuuray ee gobonnimada la taabay, habeenkii calankii ugu horreeyey ee Soomaali leedahay geyiga Somaliland laga taagay, habeenkii …………….

    AHN abwaan Cali Sugulle “Dun-carbeed” oo muujinaya galladdaa iyo guushaa ay Soomaalidu gaadhay, islamarkaana daaha ka rogaya sida ay Soomaali oo idili ugu diirsatay guushaas iyada ah ee gaalkii looga reeyay ayaa habeenkaas lix iyo labaatankii Juun tirinaya heesta la baxday “dharaartii,” waxa heestan codka u sameeyey oo tumay AHN aabbihii Muusiga Soomaaliyeed ee Cabdillaahi Qarshe, waxaana qaaday oo ku heesay AHN fannaankii qaaliga ahaa Maxamed Yuusuf Cabdi oo hobolladii kooxdii walaalo Hargeysa u jiibinayaan, waxa aanay heestu leedahay:

    Dhaaxaan gunnimo iyo dhibaato mutoo

    Dhoomaha la iga saaray dhinacyada eey

    Dharaartaan waxyeelladii dhaqdhaqeen

    Calanka dhidibnay sow ma soo dhiciney

    Dhaaxaa gaalku qaatay dheeraadoo

    Anigana …….. la iga dhaxlee

    Dharaartii xaqayga la ii dhigayee

    La ii dhiibaayey sow ma soo dhiciney

    Dhaaxaan baqay sidaan dhufaannahayoo

    Ka dhowrsaday qaar dhiggaygee

    Dharaartaan asaaggay dhinac galayeen

    Ku dherersaday sow ma soo dhiciney

    Dhaaxaa la i lahaa lagaa dhacanee

    Dhawaaday oo waanigaa dhakhsadee

    Dharaartii walaalkay loo dhisayeen

    Hortii dhashay sow ma soo dhiciney

    Bal maanta aynu heestaas ku gaabsanno, oo intaas yar ee aynu ka soo garoocannay suugaantii Cali Sugulle ee curatay lixdankii ka hor halkaas ku soo deyrno. Waa inoo qaybaha dambe iyo lixdankii ka dib illaa dhimashadiisii…..

    La soco qaybaha danbe

    Qalinka: Khadar Xuseen Daahir “Hayl”

    Khadarxd@gmail.com

    Hargeysa, Soomaalilaan.