Cali Sugulle Dun-carbeed: Dawankii Xornimada. Q.2aad- W/Q Khadar Hayl

    0

    Webtii cawke anigoon ka kaban, welina dhiillaysan
    Anigoon wadnuhu ii garrayn, wahabna aan goynin
    Caawana ma weer baan xidhnahay, Cali intaan waayey
    Waddaniga abwaankii ahaa, waracii suugaanta
    Ma-waabtihii gumaystaha nec baa, warankii qoomaayey
    Dun-carbeedna maantuu wed helay dunidu waa wiige

    Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”

    Waa riddo kale iyo qormadeennii taxanaha ahayd ee aynu kaga hadlaynay suugaantii iyo sooyaalkii AHN abwaankii cabqariga ahaa ee Cali Sugulle Cigaal “Dun-carbeed,” geylankii gobonnimo-u-dirir ee abwaanka iyo heestii “ayaa ila gembiya guumaystaha” ayaa aynu dhex-mushaaxaynay oo inoo maraysay, halkaas ayaa aynu maantana geeddiga ka sii hinjinaynaa oo ka sii wadaynaaye Shifo ku af-saara oo shar idin ma leh.

    Mar kale ayaa uu AHN Cali Sugulle gulufkii afeed ee darraa ku heensaynayaa guumaystayaashii Soomaalida haystay (Ingiriis, Talyaani, Faransiis iyo Itoobbiyaan), waa gaddii Cali lagu yiqiine si badheedh ah oo aanu geedna ugu soo gabban ayaa uu guumaystayaasha ugu badheedhayaa oo uga hor-imanayaa, haa wuu ka hor-imanayaa oo  fallaadh kulul oo waaxyaha ka naafaysay ayaa uu ku ganayaa, waxa uu u caddaynayaa in Soomaalidu ay diyaar u tahay jid kasta oo ay xornimadeeda iyo midnimo dhammays ah ku taabayso. Dhanka kale, Soomaalida ayaa uu ku tirtirsiyayaa in ay dabka xornimo-doonka isla daartaan oo heeryada guumaysi si wada-jir ah iskaga dul-qaadaan, kolkaas ayaa uu tirinayaa heestii dhimbiilaha dabka ka kululayd ee “Haddaanan,” codka heestan lagu qaado waxa la yidhaahdaa “Hayaan” waxaana sameeyey AHN buunigii muusiga Soomaaliyeed ee Cabdillaahi Qarshe; waxa ay heestu leedahay:

    Haddaanan qayla dheer hayaay odhan

    Hororka celiyaay ku heellayn

    Haddaanan guumayste waan u hodmee

    Hanaqa iyo goyn halbowlaha

    Haddaanan dhulka heegan baan u ahaye

    Anigu aan hoydee asagu hadhin

    Haddaanan ma-huraanka haaneedkiyo

    Hadhuubka u dhiibin hanaddada

    Haddaanan xamar waa hadhaysan tahaye

    Hargeysay ku saarin heegada

    Haddaanan Oogo-hawd u hawshoon

    Oo hilbaha iga maqan la soo hadhin

    Haddaanan NFD Hengelo dhigin

    Oo huurkiyo laga qaadin heeryada

    Haddaanan Jabuuti way hakataye

    Hilinka kuwa kale hayaan marin

    Haddaanay shantu waysku wada hilbee

    Hiilkiyo isku raacin hooda ba

    Haddaanan rabbi baa hagaajin karee

    Hanuunin sidii ………………………

    Waad tahay, heestani waxa ay ku baahday guud ahaan ba degellada Soomaaliyeed, waxaanay dhayday nabarro badan oo hafeefanayey, taasi oo keentay in Xisbiyadii Soomaaliyeed ee xilligaa jiray ay soo jeediyaan in heestan dastuur ahaan loo qaato.

    Bal haddana kuye, sow kan durtabadii ba riddo kale guumaystayaasha ku widhwidhinaya maaha, sow kan tooshka ku ifinaya ee dabinnadii iyo qafladihii ay maleegayaan dharaarta kaga caddaynaya maaha, sow kan dhiirranaya ee haddana dadkii kicinaya maaha, sow kan ………………. Waxa uu curinayaa heesta “Hayaay” oo uu ugu quus-goynayo guumaystaha, taasi oo odhanaysa:

    Hayaay sida aan habeen ahay baa

    Hoosaasada la igu hodayaa

    Hayaay sida nacab i heegaayo

    Oon hiil waayey baan habranayaa

    Hayaay sida beel hayaamaysa

    Oo hir-doogle aragtay baan hinqanayaa

    Hayaay sida aar hunguri ka batay

    Oo hilbana gaadayaan hubsanayaa

    Hayaay sida geel harraad qaba

    Oo hoo biyaha maqlay baan hengenayaa

    Hayaay sida wacan anaysku hayee

    Halkii ii xun waan ka hadhay

    Hayaay sida aan hagaagga bidiyo

    Horseedkayga waan higsanayaa

    Suugaantaasi dabka la oogay ka kulul ee aynu ka soo sheekaynay iyo qaar badan oo kale ayaa uu AHN Cali Sugulle kaga hor-yimid guumaystayaashii Soomaalida, waxaanu ku galay bogaggoodii madoobaa, marar badan ayaana uu guumaystuhu xabsiga u taxaabay Cali iyo fannaaniintii heesihiisa qaaday ba, taas aawadeed ayaana aynu Cali Sugulle u siin karnaa nambarrada hore ee Xornimada iyo Gobonnimo-u-dirirka.

    La soco qaybaha danbe

    Qalinka: Khadar Xuseen Daahir “Hayl”

    Khadarxd@gmail.com

    Hargeysa, Soomaalilaan.