Madaxweyne Siilaanyo Dhaqangaliyay Xeerka Ilaalinta Kaymaha Iyo Duur Joogta

    0

    Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhaqan galiyay xeerka ilaalinta kaymaha iyo duurjoogta Somaliland, kaas oo dhawaan uu ansaxiyay golaha wakiilada Somaliland.

    War-saxaafadeedkaas oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sin

    “Taariikh: – 12/01/2016

    WAR-SAXAAFADEED

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/WM/249-3775/012016 uu ku Dhaqan-geliyey Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur Joogta Xeer Lr. 69/2015.

    MADAXWEYNUHU:- 

    Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

     Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF- 29/673/2015 ee ku taariikhaysan 21/12/2015 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Ilaalinta Kaymaha Iyo Duur Joogta JSL Xeer Lr. 69/20

    Wuxuu soo saaray

    Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Ilaalinta Kaymaha Iyo Duur Joogta ee Jamhuuriyadda Somaliland Xeer Lr. 69/2015.

    ALLAA MAHAD LEH

    Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

    Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

    Â