11-ka Dal ee Adduunka ugu Shaqada Adag, Saacadaha ugu Badanna la Shaqeeyo

    0

    Hargeysa(SLpost)-Urur arrimaha dhaqaalaha ka shaqeeya, cilmi-baadhisahana sameeya oo loo soo gaabiyo OECD (Organization for Economic Co-operation and Development), ayaa baadhitaan ku sameeyey tirada saacadaha celcelis ahaan sannadkii waddamada qaar laga shaqeeyo, gaar ahaan dalalka dadkiisu sida adag u shaqeeyaan amma waqtiga ay shaqeeyaan ugu badan.

    Marka celcelis ahaan la leeyahay macnaheedu waxa weeye tirada saacadaha sannadkii la shaqeeyo oo loo qaybiyey tirada dadka ah ee shaqeeya.

    Haddaba, dalalka ugu shaqada badan dadkoodu waxa ay kala yihiin;

    Mexico waxa sannadkii celcelis ahaan la shaqeeyaa 2,226 saacadood

    Kuuriya oo 2,090 saacadood bay celcelis ahaan sannadkii la shaqeeyaa

    Greece waxa la shaqeeya celcelis ahaan sannadkii 2,034 saacadood

    Chile waxa celcelis ahaan sannadkii la shaqeeyaa 2,029 saacadood

    Ruushka waxa la shaqeeyaa sannadkii celcelis ahaan 1,982 saacadood

    Poland waxa celcelis ahaan la shaqeeyaa sannadkii 1,929 saacadood

    Isra’iil waxa celcelis ahaan sannadkii la shaqeeya 1,910 saacadood

    Estonia waxa celcelis ahaan sannadkii la shaqeeyaa 1,889 saacadood

    Hungary waxa celcelis ahaan sannadkii la shaqeeyaa 1888 saacadood

    Turkey waxa celcelis ahaan sannadkii la shaqeeyaa 1,855 saacadood

    Czech Republic waxa celclis ahaan sannadkii la shaqeyaa 1,800 saacadood.

    Xigasho Maankaab