Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhaqangaliyay Miisaaniyada 2016

    0

    Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa si rasmi ah u dhaqangaliyay miisaaniyada sanadkan oo dhawaan ay ansaxiyeen golaha wakiilada Somaliland kadib markii ay u soo gudbisay wasaarada maaliyadu.

    Waxa sidan lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxweynaha JSL Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) waxaanu war-saxaafadeedkaasi isaga oo dhamays tiran u dhignaa sidan

    “WAR-SAXAAFADEED

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/DEC/249-3766 /012016 ku Dhaqan-geliyey Miisaaniyad Sannadeedka 2016-ka.

    Madaxweynuhu:- 

    Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/G/KF-29/674/2016 ee ku taariikhaysan 03/01/2016 ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2016-ka ee Dawladda Dhexe, Hay’adaha Madaxa Bannaan, Dawladaha Hoose, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah, Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta;

    Wuxuu Soo Saaray

    Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2016-ka ee Dawladda Dhexe, Hay’adaha Madaxa Bannaan, Dawladaha Hoose, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah iyo Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta.

    ALLAA MAHAD LEH”

    Â