Madaxweyne Siilaanyo Oo Mudeeyay Wakhtiga Diiwaangalinta Codbixiyayaashu Ay Bilaabmayso iyo Gobalka Lagu Bilaabayso

    0

    Hargeysa(SLpost)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo Waxa uu si rasmi ah u go’aamiyay in diiwaangalintu codbixiyayaashu ay la bilaabmato 16 bishan aynu ku jirno goblka Togdheer, waxaana sidaas lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxweynaha Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr) oo u dhignayd sidan

    WAR-SAXAAFADEED

    Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/DEC/249-3756 /012016 ku mudeeyey wakhtiga Diiwaangelinta Codbixiyayaashu ay dalka ka bilaabmi doonto.

    Madaxweynuhu:- 

    Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastruurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Arkay: Qodobka 28aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007;

    Markuu Tixgeliyey: Qoraalka Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay GDQ/XK/498/2016, kuna taariikhaysan 02/01/2016, ujeeddadiisuna tahay Codsi Ku-dhawaaqidda Wakhtiga La Bilaabayo Diiwaangelinta Codbixiyayaasha;

    Wuxuu Go’aamiyey In Diiwaangelinta Codbixiyayaashu ay dalka ka bilaabmi doonto Gobolka ugu horreeya oo ah Gobolka Togdheer, taariikhdu marka ay tahay 16/01/2016.

    ALLAA MAHAD LEH

    Somalilandpost

    Hargeysa Somaliland