Qiimaha Waalidka iyo Ubadka Casrigan

    0

    Maskax waliba maax leh, warkastaaba madal leh, ummad waliba dhaqan leh, qalin waliba qoraal leh,

    aqoon waliba ehel leh, ilays waliba nuur leh, indho waliba arag leh, qorshe waliba qadar leh, indheer-garad

    ogaal leh, dadna kala garaad badan dunidana Allaa iska leh.

    Waxa mahad iska leh Allah subxaanahu wa tacaalaa ii suurto galiyay dhammaystirka maqaalkan yare ee koooban ee ka hadlaaya “ qiimaha waalidka iyo ubadka casrigan,” kaas oo aan ugu talo galay in uu

    akhristo qof kasta oo jecel waalidkii gartayna qiimaha waalidkiis.

    Intaa kadib wax aan si gaara ugu mahadnaqayaa labadayda waalid hooyo Caasha Cabdillaahi  Guuleed

    iyo aabbo Aadan Cabdikariim Xaaji Yuusuf ,oo labadooduba kaalin wayn ka qaatay inaan maanta halkan

    soo gaadho, inaan maanta ereyadan qoro inaan idinka idiin soo gudbiyo akhristeyaal.

    ‘’IFKA HIBO KU NOOLAADA AAKHIRANA HALKII ROON/HOOYO, AABO.’’

    Waalidku waa qaali , qiimaha uu lee yahay waxa garanaaya oo kaliya qof Alle garansiiyay , waalidkaagu

    waa ka kula neceb markasta iyo goor kasta xumaanta iyo ka ka naxa hadii ilmihiisa(adiga) xumaan lagugu

    sheego. Waalidku waa ka markasta adiga kula jecel wanaaga kuna farxa guushaada iyo horumarka aad

    gaadhay.

    Hooyoy la’aanta,

    Adduunyadu hubaashii ,

    Habeen kama baxdeenoo,

    Iftiin lama heleno………Abwaan Hadraawi-Hooyo

    Su’aashu waxay tahay hadaba sideen uga soo bixi karnaa waajibaadka waalidkeenna una gudi

    karnaa abaalkiisa? Weydiintan uma baahna fikir badan ,uma baahna maskax aad ka shaqaysiiso

    way fududahay akhristaha aan walaalka nahay ee aan diinta Islaamka ku walaalownay.Waalidku waa

    aasaaska nolosha , waa udub dhaxaadka nolosheenna gaar ahaan hooyadeen macaan iyo aabbo qaali,

    hadaba akhriste ma og tahay in hooyo saggaal billod caloosha kugu siday,intii ka danbaysayna dhibka ay

    kula soo martay aad ogayd! “. Haddaan  wax iska xasuusinno markaad adduunka timid maro yar oo

    jilicsan ayaa lagugu qabtay aad ayaad u ooyaysay dhinacaaga waxa jiifa hooyo macaan oo

    xannuunkii foosha iyo xannuunkii kale ee markaad soo dhalaneysay isku darsameen , kadib

    haddana markay oohintaadii maqashay darteed u ilawday xannuunkii, hooyo ayaa agteeda lagu soo

    dhigay isla markiiba laabta ayay hooyo kusoo galisay misna waxay kugu duduubtay labadeeda

    horaad(naassood).

    Horaadkay noo dhigtoo,

    Dharkii bay na huwisee,

    Hooyadu waa lama huraan. Abwaan Carays Ciise AHUN.

    Bilo kadib waad kortay haddana hooyo/aabo waxay kuu dooreen magacii ugu wanagsanaa magac loo

    bixiyo wiil kula mida , sidaas si lamida habeen kaliya adigoo soo jeeda hooyo intay seexatay may gam’in

    illaa ay adiga ku seexiso.

    Waa halka uu Hadraawi markale ka lahaa:

    ‘’ Hooyooy la’aantaa ,

    Hadal lama kareenoo,

    Ruux aanad  habinoo

    Kolba aadan hees iyo ,

    Hoobay ku sabinoo ,

    Hawshaada waayaa,

    Hana qaadi maayee,

    Hoygii kalgacalkee ,

    Naxariistu hadataay.’’

    UBADKA CASRIGAN

    marka laga soo bilaabo taariikhdii nabiga calayhi salaatu wasalaam asxaabta rasuulka qiimaha hooyada

    iyo aabbuhu waxay ahayd mid quluubtooda ku wayn ;waxa ay ahayd mid ay xuquuqdooda aad u

    dhawraan.

    Maalin maalmaha kamida ayaa nabiga calayhi salaatu wasalaam waxa u yimid saxaabi kamida asxaabti

    rasuulka (csw) ,markaasuu ku yidhi:  “ rasuulkii Ilaahayow wax aan siday hooyaday 40 sano ma guday

    abaalkeedii” rasulku wuxu ugu jawabay “ maalin iyadoo ku xambaarsan  uu qaydku ( marada carruurta lagu

    xambaaro ) ka dhacay maad gudin naxdintay kaa naxday .

    Hadaba waa sidee nolosha Ubadka casrigan ama adigu aad kula nooshahay waalidkii .

    Maalin maalmaha kamida ayaa waxa aan raacay wiil soo booqanaayey xaafad ay qaraabo yihiin, kadib

    socdaal aan dheerayn waxaanu gaadhnay halkii aan u u soconnay, markii aanu xaafaddii gaadhnay ayaa

    waxa nala fadhiisiyay qol kamida qolaalkii xaafadda oo markaa lagu daawanaayey Tv, isla tv-ga waxa ka

    socda filimaan  inta badan ay dumarku daawadaan ee loo yaqaanno “ musal salka”, waxa daawanaysa

    gabadh ka mida hablihii xaafadda deggenaa ee aanu soo booqannay oo markaa da’a ahaan ilaa ku sinayd

    gabadh qaan-gaadh ku dhawayd, kadib markii aannu cabbaar fadhinay ayaa waxa yeedhay baaq cod waa

    hooyadii xaafadda waxaanay u baaqaysa ama u yeedhaysa isla gabadhan tv-ga ag fadhida ee musalsalka

    daawanaysa kadibna aniga dhegahayga aadban u maqlayaa aad baaanay hooyadu u qaylinaysaa waxay

    ku yeedhaysaa “ naa Xamdaay hooyo !“, ax ax ayaan niyada ka leeyahay, waxaan iska hayaa tolow “hee

    hee “ ma tidhaahdaa hadana marti ayaan ahoo waan yara xishoonayaa, cabbaar markay hooyadii qaylo

    daysay ayaa gabadhii codkii ama qayladii mama da codkii tv-ga maqli wayday, markaasay iyadoo karhaysa

    codka hooyadeed tidhi “ ee hee, “ hooyadii ayaa tidhi “ hooyo Xamda kaalay daaqaddan iga xidh waa

    dhaxan e” Xamda ayaa hooyadeed ku celisay “ isug anagaa kaa xidhaynee” anigu waan ag fadhiyaa

    codkeedana si fiican ayaan u maqlaayaa Xamda waxay hoos kolba la leedahay “ ish islaantana waxba ka

    daaawan kari maysid .

    Subxaan Allaah Xamda waxay la mid tahay kumanaan qof oo sidaa iyo si kasii daran waalidkood ula

    dhaqma !

    Hooyo mar qudha saacad kaliya kamay ladin mustaqbalkaaga iyo horumarkaaga hooyo waa laf dhabarta

    mustaqbalkeenna. Hadaba bal ka warran markay da’daa noqotay ee ay daciiftay ee aad adiguna

    waynaatay ee aad xoog iyo awood isku bidday haddii eryadaadii noqdeen “ eeyaahe” iyo “ islaantan baas

    ayaa na dhibtay “ iyo sidoo kale “ odaygan naftii ayuu noo keenay” innaalilaah waa wax laga naxo , waa

    wax laga damqado , waa wax laga ooyo runtii waa waaana wax casrigan inagu soo badanaaya!

    Hadaba hooyadu waxay leedahay astaamo iyada u gaara oo aanad cid kale ka helayn, hooyo mar kasta

    waa ay kuu dhibirsan tahay, hooyo marka kasta waxay ku hawlan tahay ilaalintaada .

    Hooyadu waa furaha janada .

    Nabigeenii udgoonaa ( nnkh) waxa uu yidhi :“ jannadu waxa ay hoos taallaa cagaha hooyadiin ee qofka

    hooyadii nooshahay ka ducayso hooyadaa si aad jannada ugu gashid “ inta bilaa hooyada ahna marwalba

    quraan u akhriya una duceeya .

    LA SOCO QAYBTA LABAAD.

    W/Q:Maxamed Aadan Cabdikariin

    Tell: +252634445116

    Maac446@gmail.com