Booliska Austria Oo Qabtay Sadex Qof oo Looga Shakiyay Gaadhigii Laga Helay Maydadka Tahriibayaasha

    0

     

    Austria(SLpost)Booliska dalka Austria waxa ay sheegayaan in seddax qof oo lala xidhiidhinayo 70kii mayadadka ahaa ee la helay la xidhay.

    150828032203_sp_austria_dead_migrants_624x351_epa_nocredit

    Dadkaasi dhintay oo tahriibayaal ahaa ayaa laga dhex helay gaadhi xamuul ah oo meel cidlo ah looga tagay. Afhayeen u hadlay booliska dalkaasi  waxa uu sheegay in 59 rag ah sideed dumar ah iyo afar cunug oo ah maydadka la helay dhammaan inay u dhasheen dalka Suuriya.

    Waxa uu tilmaamay in dadkan ay u dhinteen gaadhiga ay saarnaayeen ee qaboojiye ahaa iyo nakhaska oo ku dhegay. Waxa uu sheegay seddaxda qof ee laga shakisan yahay in laba ka mid ah ay u dhasheen dalka Hungary, laguna xidhay gudaha dalkaasi.

    Gaadhiga xamuulka ah ee laga dhex helay maydadka waxaa looga tagay waddo wayn, maalintii arbacada. Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Austria Johanna Mikl-Leitner waxa uu sheegay inaysan ku filneyn in dhacdada laga argagaxo oo keli ah, laakiin ay tahay in laga hortago dadka tahriibinta ka shaqeeya.