Masuuliyiin Xilal Sare Ka Hayay Xisbiga WADDANI Oo Is-casilay

    0

    Hargeysa, (SLpost)- Masuuliyiin ka tirsan mucaaradka ah ee WADDANI ayaa si wada-jir ah ugu dhawaaqay manta inay iska casileen xilkii ay ka hayeen xisbigaas.

    Masuuliyiintan oo kala ah xoghayaha qorsheynta Cabdirashiid Riyo-raac, xoghayahay arrimaha gudaha Mustafe Qodax iyo guddoomiyihii dhalinyarada xisbiga WADDANI Maxamuud Cabdilaahi Cabdi.

    Masuuliyiintan oo ahaa kuwii ugu cad-caddaa dhinaca mucaaradada xisbiga WADDANI ayaa loo sibir-saarayaa is-casilaadooda xilligan in xukuumaddu door weyn ku leedahay, isla markaana ay ka mid tahay ol’olaha furfurka siyaasaddeed ee ay ugu talo-gashay inay ku kala daadiso awooddaha xisbiyada mucaaradka ah, taasoo ay u adeegsanayso lacago iyo ballan-qaadyo xilal kala duwan.

    Somalilandpost.net