Xubnaha Guddida Wadada Cad Oo Beeniyay Inuu Khilaaf U Dhexeeyo

    0

    Hargeysa, (SLpost)- Guddida mashruuca Waddada cad ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay ku beeniyeen war laga qoray oo lagu soo saaray mid ka mid ah wargeysyada dalka ka soo baxa kaas oo sheegayay in khilaaf soo kala dhex galay guddida dhismaha wadada cad.
    guddida ayaa war-saxafadeed ay soo saartay ku faahfaahisay inaanu wax khilaaf ahi dhex oolin, waxaanu u dhignaa sidan-

    Beenin Iyo Cambaareen War Uu Soo Daabacay Wargayska Somalilandtoday .
    Annago oo ah guddida wadada Cad Hargeysa Sallaxley Ina Guuxaa, shirna isugu nimid Maanta 17/06/2015, waxaanu caddeynaynaa in warkii ku soo baxay wargeyska Somalilandtoday cadadkiisii 587 kuna taariikheysnaa 16/06/2015 ee ku saabsanaa in guddida khilaaf soo kala dhex galay, aanu sal iyo raad toona lahayn, yahayna been abuur cad warkaasi, sidaa daraadeed, haddaanu nahay guddida mashruuca wadada Cad , waxaanu u aragnaa warkaasi beenta ah in lagu carqaladaynayo wada shaqeynta ka dhaxeysa dawladda iyo guddida.
    Gabagabadii waxaanu kula talinaynaa wargeyska Somalilandtoday in ay wax kale ku mashquulaan, maadaama aanay fursadi uga banaaneyn dhaleecaynta guddida wadada cad oo ah guddi ay qirtay bulshada reer Somaliland in waajibkeedii qaran ee xukuumadda lagu aamini jirey ay ka soo baxday.
    Magacyada Guddida Mashruuca Dhismaha Wadada Cad Ee Ku Saxeexan Qoraalka:
    Cali Ibraahim Maxamed
    Sheikh Maxamed cali Geedi, (ku maqan dibada)
    Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir
    Caaqil Maxamed Xirsi Faarax
    Faysal Maxamuud Xasan
    Xildhibaan Siciid Maxamed Libaaxo
    Xildhibaan Yuusuf Maxamed Guuleed
    Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin
    Garaad Mustafe Maxmed Cumar
    Cabdiraxmaan cali Xirsi
    Baashe Yuusuf faarax
    Deeq Cabdi Xasan
    Iid Xasan Axmed
    Yuusuf Cabdi Jaamac
    Guuleed Cismaan Cabdikariin
    Saleebaan Xasan Faarax
    Mataan gahayr Cilmiwaddo2