Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo War-murtiyeed Kasoo Saartay Qaxoontiga Yemen Ee Ku Somaliland

    0

    Hargeysa, (SLpost)- Yemeniyiinta dayacan ee ku sugan Somaliland 20-ka June waxa dunida oo dhan laga xusaa Maalinta Qaxoontida Aduunka.
    Sanadkan waxa uu la kowsaday Somaliland iyada oo ay ku soo qul-qulayaan
    Yamaniyiin ka soo cararaysa dagaalka ka socda dalkoodii.
    Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda naxdinta leh
    ee ay ku nool yihiin Yamaniyiinta degan Berbera iyo Hargeysa. Xaruntu waxay
    aragtay qaxoonti Yamaniyiin ah ay ku haysato duruuf aad u adagi magaalada
    Hargeysa. Yamaniyiinta ay booqatay Xaruntu waxay ku nool yihiin qolal aad u yar
    yar oo ay kiraysteen. Qol walba waxa ku wada jira sadex ilaa afar qoys. Ma haystaan
    adeeg caafimaad, cunto iyo wax barasho toona. Badankoodu waa dad faqiir ah oo aan
    awood u lahayn inay iska bixiyaan kiro, cunto iyo biyo.
    Xaruntu waxay indheheeda ku soo aragtay qoysas ku dul seexda sibidh madhan oo
    aan waxba dusha ka saarnayn. Xaaladoodu waa mid aad u xun, gaar ahaan caruurta.
    Dadkani ma helaan taageerada ay u baahan yihiiin sida guryaynta, cuntada,
    waxbarashad iyo diiwaangelinta. Duruufta ay ku nool yihiin waa mid aad u liidata.
    Meelaha qaar dadka deegaanka ayaa isu xilqaamay oo siiya waxay quutaan maalin,
    kana bixiyay kirada bil ama laba. Waxay ka cabanayaan in laga saaro guryaha waayo
    iskama bixin karaan kirada. Waa dad la dayacay oo ku nool xaalad xun.
    Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka codsanaysaa dawladda Somaliland, hay’adda
    qaramada midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR, iyo ururada kale ee
    caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah inay u gar-gaaraan Yaminiyiinta ku sugan
    Somaliland.
    Guleid Ahmed Jama
    Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

    Home


    Email: dafac02@hotmail.com or hrcsomaliland@gmail.com Phone: +252 (0)63
    4468227