Magacyada Soomaali Sannado Ka Hor Jabuuti Laga Qabtay Oo New York Ku Qirtay Al-shabaab-nimo

    0

    New York, (SLpost)- Saddex qof oo soomaali ah oo lagu xidhay dalka Mareykanka, gaar ahaa magaalada New York ayaa qirtay dembi ah inay ka mid yihiin kooxda Al-shabaab.New York

    Saddexdan qof ee soomaalida oo dhamaantood rag ayaa dhawaan lasoo taagi doonaa maxkamad ku taalla magaalada New York.

    Raggan ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:-

    1- Mahdi Xaashi, 25 sanno jir

    2- Cali Yaasiin Axmed, 30 sanno jir iyo

    3- Maxamed Yuusuf oo 32 sanno jir ah.

    Waxaana laga soo qabtay nimankan xuduudka u dhexeeya waddamada Jabuuti iyo Soomaaliya sannadkii 2012-kii, kuwaasoo markii dambe gacanta loo geliyay ciidamada Mareykanka eek u sugan dalka Jabuuti.

    Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa raggan ku eedeeyey in xilliga la qabtay ay doonayeen in ay u safraan gudaha Soomaaliya si ay ugu biiraan ururka Al-shabaab, isla markaana ay u fuliyaan falal argagixisnimo.

    Saddexdan nin ayaa qirtay dembigooda oo ah in ay taageereen ururka Al-shabaab, iyadoo qiraalkoodu uu u sahli doono in laga cafiyo eedeymo kale oo loo haystay sida in ay haysteen hub sharci darro ah, waxaana maxkamadda la horkeeni doonaa bisha June 1-deeda.

    Somalilandpost.net