Natiijada Wada-hadal Ruushka Ku Dhexmaray Kerry Iyo Madaxweyne Vladimir Putin

    0

    Moscow, (SLpost)- Xoghayaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka John Kerry ayaa sheegay inuu wada-hadallo  saaxiibtinimo oo la xidhiidha Ukraine, Iran iyo Syria kula yeeshay goobta dalxiiska Sochi madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin.Putin and KerryPutin and Kerry

    Kerry ayaa sidoo kale sheegay inuu la kulmay dhiggiisa Sergei Lavrove, booqashadiisa  uu ku tagey dalka Ruushka ayaa noqonaysa tii ugu horeysay taniyo intii uu bilaabmay dagaalka dalka Ukraine sannadkii hore.

    Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykan ayaa sheegay in waxyaabaha ugu waaweyn ee ay isla af-garteen masuuliyiinta Ruushka ay tahay si ay uga wada hadlaan caalamka inay furnaan doonaan khadadka xidhiidhka ee u dhexeeya labada dal.

    Xidhiidhka labada dal ee Mareykanka iyo Ruushka ayaa aad u xumaaday ka dib markii Ruushku awood ku goostay gobolka Crimea oo ka tirsanaa Ukraine.

    Somalilandpost.net