Monrovia, (SLpost)- Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo in cudurka EBOLA laga dabar-jaray dalka Liberia, ka dib markii muddo 42 maalmood.

Cudurkan EBOLA ayaa ku habsaday sannadkii tagey dalalka geeska Afrika, waxaanu ku dilay dalalkaas in ka badan 11 kun oo qof, waxaanu weli kasii jiraa dalalka Guinea iyo Sierra Leone.
Hay’adda WHO ayaa lagu eedeeyay inay iska indho-tirtay digniinihii la xidhiidgay EBOLA iyo inay si gaabis uga jawaabtay.
Haddii sida la filayo aan kiis cusub laga soo sheegin Liberia, waxay noqoneysaa inaan 42 maalmood la arko qof qaba xanuunka, waana laba jibbaarka muddada lagu ogaado xanuunka. Si rasmi ah ayaana loogu dhawaqayaa in Ebola aanu ka jirin Liberia.
Somalilandpost.net

