Congo-Brazzaville Oo Haweenka Muslimka Ah Ka Mamuucday Indho-shareerka

    0

    Niqaam

     

    “Wasiirka arrimaha gudaha  Congo-Brazzaville Raymond Zephirin Mboulou ayaa nagu wargeliyay go’aanka lagu mamnuucay inay dumarku ku xidhaan indho-shareer”

    Brazzaville, (SLpost)- Dawladda Congo-Brazzaville ayaa dumarka

    muslimka ah ka mamnuucday  inay meelaha dadku isugu yimaadaan ku xidhaan niqaamka indhaha ama indho-shareerka, iyagoo ku sababeeyay arrimo ammaan.

    “Wasiirka arrimaha gudaha  Congo-Brazzaville Raymond Zephirin Mboulou ayaa nagu wargeliyay go’aanka lagu mamnuucay inay dumarku ku xidhaan indho-shareer meelaha dadku isugu yimaadaan. Waxa kale oo oo uu noo sheega wasiirku in go’aankani yahay mid lagaga hortagayo falalka argagixisada iyo ammaan-darro,” sidaa waxa yidhi El Hadj Abdoulaye Djibril Bopaka,  oo madax u ah golaha Islaamka ee dalka Congo-Brazzaville, isagoo la hadlay wakaallada wararka ee  AFP.

    “Haweenka muslimka ahi hadda wixii ka dambeeya waxay ku xidhan karaan oo keliya indho-shareerka guryaha iyo goobaha cibaadada.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxa golaha islaamka ee Congo-Brazzaville.

     

    Somalilandpost.net