Hogaamiyeyaasha Muslimiinta Kenya Oo Ku Shiraya Gaarisa, Ka Dib Weerarkii Al-shabaab

    0

    GarrisaGarrisa, (SLP)- Madaxda Muslimiinta Kenya ayaa maanta booqday magaalada Gaarisa, halkaas oo jaamacad ku taala ay Al-shabaab ku laayeen 148 qof todobaadkii hore, kuwaasoo u badnaa ardaydii jaamacadaas dhiganaysay.

    Madaxdani waxay ka wada xaajoonayaan sidii looga hortagi lahaa weerarada xag-jirnimada ah, iyagoo la kulmi doona , siyaasiyiinta, madaxda diimaha, dhalinyarada iyo dumarka ku dhaqan magaaladaas.

    Sidoo kale madaxdani waxay booqan doonaan magaalooyinka Wajeer iyo Mandera oo iyagana ay saamaysay weerarada alshabaab, waxaanay sidoo kale wacyi-gelin ku saabsan weerarada kooxaha xag-jirka ahi ka fuliyaan dalka Kenya u jeedin doonaan dadweynaha ku dhaqan magaalooyinkaas.

    Weeraradan ay muddooyinkii u dambeeyay kooxda ka dagaalanta Soomaaliya ee Al-shabaab ka fulinayeen dalka Kenya ayaa saamayn weyn ku yeeshay guud ahaan habsami u socodkii iyo hanaankii ammaan ee dalkaa, gaar ahaanna waxay arrintan argagixisada ahi si taban u saamaysaa Soomaalida ku nool dalka Kenya oo la kulma weerar kasta oo dhaca ka dib dhibaatooyin ay u gaysteen ciidamada dalka Kenya.

     

    Somalilandpost
    Hargeisa Office