DALAB (Maanso) – W/C: Maxamuud Gaani

    0

    maxamuudMaansadan oo uu curiyey Hal-abuur Da’ yar oo lagu magacaabo Maxamuud Gaani, waxa ay soo baxday 17/1/201

    1. Digtii Maxamed Xaashiyo,
    2. Deelaydii uu furay,
    3. Haadraawina ka daba riday,
    4. Daabac maansadiisii,
    5. Daayinbaan i uuminoo,
    6. Waqtigaa dib ii dhigay
    7. Dunidaba ma joogine,
    8. muxuu hadalku duurxulay
    9. gabay dacwada lagu furay
    10. abwaanadu dayaansheen
    11. dadka samo u baaqeen
    12. xumahana ka doorsheen
    13. wanaag kula dedaaleen
    14. Muxuu gabay dariiq furay.
    15. Kala diray daruuraha.
    16. Docba qaar u baacsaday.
    17. Sadar hoos u soo degay
    18. Colaaddii daboollaa
    19. Muxuu debeda soo dhigay
    20. dixda hoose ugu tegay
    21. hal abuurku doodaa
    22. Diiwaan muxuu qoray
    23. Amuurii dahsoonaa
    24. Dayrkii xumaantiyo
    25. Dulmigii muxuu fadhay
    26. Muxuu daaha ugu rogay
    27. Dadka eega wada yidhi.

     

    1. Dulmi nexeb hashii beri,
    2. Dambarkeedii muu goin.
    3. Dararteedii may gudhin.
    4. Dib hadday u curatoo,
    5. Anaa   daadihinayoo
    6. Maanta daah furaayee
    7. Digdheh deelka maansada.
    8. Ruux hadduu dakano qabo,
    9. Dadka wuu ka dhuuntaa.
    10. Haduu docadocayntiyo,
    11. Dayn waayo hadalada,
    12. Sidee loola doodaa?
    13. Isna uga dabaashaa?

     

    1. Bal hadana ka diga rogo
    2. Aqoonsiga dadweynuhu,
    3. Ay wada dalbanayaan,
    4. Daw mid kaad u leedahay,
    5. Ruuxa sii durkinayee,
    6. Kuu diiday kugu yidhi,
    7. Bulshayahay nin kuu daran.
    8. Sidee loola doodaa?
    9. Isna uga dabaashaa?
    10. Bal hadana ka digo rogo.
    11. Adoo daal haraad qaba,
    12. Darka ruux joogsada,
    13. Darimaysid kugu yidhi,
    14. Doqon kaa wax yeeliyo
    15. Dalanbaabi kula jecel
    16. Sidee loola doodaa?
    17. Isna uga dabaashaa?
    18. Bal hadana ka diga rogo
    19. Doogtii horee beri,
    20. Nabarkii dalloolay,
    21. Duugoobi waayoo,
    22. Dibin daabyadiisii,

     

    1. Daqarkii ma baabi,in.
    2. Geeystaa damqaayoo,
    3. Boogaha duraayee,
    4. Sidee loola doodaa?
    5. Isna uga dabaashaa?
    6. Afartan aan   isdaba dhigay,
    7. Waa dooda maansada.
    8. Araar aan ku daahfuray.
    9. Dig abwaan lahaan jirey.
    10. Diwaanka maansada

     

    1. Afar kalena daallaco.
    2. Ka durduuro weedhaha.
    3. Dulucdiyo u jeedada
    4. Dabuubtayda hadaladu
    5. Dalab weeye ii maqan
    6. Waxa aan u dirayaa,
    7. Dadka kiisa garasha leh.
    8. Duli lama rabaystee.
    9. Goboloda dalkayga ah,
    10. Isirka ay ku dooneen,
    11. Dagaalka ay ka huriyeen,

     

    1. Isku diradirayeen,
    2. Dabka maad ka damisaan
    3. Deriskiyo walaaalaha.
    4. Isku duubni wada jir ah,
    5. Maad ugu ducaysaan.
    6. Nabada maydin daysaan.
    7. Ninka diida ee naca,
    8. Maad laba diblaysaan.
    9. Siday isku diyaarsheen
    10. Maad ugu dedaashaan.
    11. Aqoonsiga ka daamuray,
    12. Qalinka ugu duugtaan.
    13. Qaran dawladoo jira,
    14. Soomaaliland dad ah,
    15. Dunida maw cadaysaan.
    16. Dawladaha u sheegtaan.
    17. Dal awoodleh mida
    18. adigana ku daafaca ,
    19. Kaaga dayran cadowgoo,
    20. Garabkaaga laga dayo,
    21. duulaana kula jira

     

    1. Deris aad wadaagtaan
    2. Dalkan maad ka dhigataan
    3. Waa dab hoos ka nooloo
    4. Nin shisheeye kuu daran
    5. Danihiisa gaarka ah
    6. Buu kaa durduurtaa
    7. Intaa wuu daldalayaa
    8. Dahabkiyo ugaadhii
    9. Diinna wuu fidinayaa
    10. Dumarkiyo raguu simay
    11. Haweenkoodu darajada
    12. Iyagaaba door mudan
    13. Diir nimaad wadaagtaan
    14. Baa kuu damqanayoo
    15. ku dareemikarayee
    16. Degmadii hargeysiyo
    17. Dila iyo cammuudiyo
    18. Deganeey wajaaliyo
    19. dawgii buurta shiikhiyo
    20. Daristii togdheer iyo
    21. Duudii ceerigaabiyo
    22. Degelkii sarmaanyiyo
    23. Dooggii nugaaaleed
    24. Dooxii saraar godan
    25. Deli iyo cal xeebeed
    26. Surud daalo iyo guban
    27. dabarsoola iyo hawd
    28. Deganaansho weeyee
    29. Maad farxada daysaan
    30. Dacwadiyo colaadaha
    31. Dal shisheeye kaga yimi
    32. Xumaa maad ka damishaan
    33. Deriskiyo walaalaha
    34. Soomaaliland degel
    35. Daar dhisan tay weeyee
    36. Maad qaranka dayrtaan
    37. Allaa deeqda bixiyee
    38. Daacad maw ahaataan
    39. Dawladaha aduunyada
    40. Dal ka mid ah ka yeeshaan
    41. Waa dabaal deg xaalkuye,
    42. Durbaan loo garaaciyo,
    43. Sacab mawgu ku deeqdaan.
    44. Degelkuba ha nuuroo,
    45. Dayax haw bidhaamee.
    46. Dumarkuna mashxarada,
    47. May ugu daraanoo
    48. Uga dininig siiyaan.

     

    1. Nin ragaa dareemoo,
    2. Guulaha ku diirsada.
    3. Duriyad xalaaliyo,
    4. Duul ifka ku noolbaa,
    5. danahaaga garan kara
    6. Dalabkaaga fulin kara.
    7. Ileen daarta aakhiro,
    8. Aboor kaama didiyoo,
    9. Kaa difaacimaayee.
    10. Deeqdiyo hanayntuna,
    11. Waa darajo aadmigu,
    12. Qofba dabaq ka joogaa.

     

    Maxamuud Salebaan X, Ducaale (Maxamuud Gaani),

    Tell: 0634621517 ama 9400631

    Email: Guulsame@gmail.com