MAANSO: Aqoon iyo tallo la’aan – W/C: Abwaan Maxamuud Gaani

    0

    maansoMaansadan oo uu curiyey Abwaan Maxamuud Gaani, waxa ay soo baxday horaantii 2014.

    1. Dhalinyahay tiraanyo oyga
    2. Tahriibka aafada dhibtiisa
    3. Wadaadaa kuu tiraabay.
    4. Baraha dugsigaa tilmaamay
    5. Aqoonyahanaa tibaaxay.
    6. Abwaanaa heeso tiriyey.
    7. Tixaha maansada ku sheegay.
    8. Tisqaad maansoo la tiriyo
    9. Midii tayo lagu amaanay
    10. Midii taashka u sareeysay
    11. Tusmiyo murti lagu daleeyey
    12. Annaa soo tebine dheego
    13. Adoo curad taabo galay ah,
    14. Walaal talo kaa sugaayo,
    15. Waalidku kugu soo tacaayi,
    16. Dalkuna taageeradaada,
    17. Taagtaada u ciilan yahay,
    18. In aad toobiyha qaado,
    19. Tubtaa subax kaga dhaqaaqdo,
    20. Ogow waa u tamar yaraane.
    21. Aqooon iyo tallo la’aane.
    22. Adoo nolol taama haysta,
    23. Adaan tabanaynin xaajo,
    24. In uu tuhun kuu hilaaco,
    25. Tahriib maankaaga geliso,
    26. ogow waa tamar yaraane
    27. aqoon iyo tallo la,aane,
    28. Adoo barahaa tilmaan,
    29. tacliin iyo cilmi ku siiyey.
    30. in saxaraha tiglayso,
    31. markay seed kasti is taagto,
    32. Tamuucda dhaqaaqi weydo,
    33. in aad tiicdoo ilmayso
    34. ogow waa tamaryaraane
    35. aqoon iyo tallo la,aane
    36. cadowgiyo turuqyo weynta
    37. cawaan tuulooyin jooga
    38. taakoba nimaan kula heleen,
    39. In uu tabco kugu maroorsho
    40. In uu toori kula haleelo,
    41. ogow waa tamar yaraane
    42. aqoon iyo tallo la,aane.
    43. Adoo xaragada la tiica
    44. xornimo tabcadoo shaqaysta
    45. Adoo tamashleeya suuqa,
    46. Halkaad doontidba tegaaya,
    47. sidii tuug xoolo boobay
    48. In uu taar kugu wareego,
    49. Tukiyo haad kugu dhawaaqo,
    50. ogow waa tamar yaraane
    51. aqoon iyo tallo la,aane.
    52. Todobaadadii ku dhaafay,
    53. Walaalahaagii tahriibay,
    54. Kuwii tamuucda isku aasay,
    55. Kuwii badaha isku tuuray,
    56. Ileen gaajo waa tu baase,
    57. Tagoogyada iska feentay,
    58. Tusaalii in aad ilowdo,
    59. Ogow waa tallo la,aane.
    60. aqoon iyo tamar yaraane
    61. afartaa tacab qasaar dheh
    62. awood iyo tallo la,aan dheh
    63. tilmaan iyo waanadeed dheh
    64. Ruuxii firxadee tahriibay,
    65. Ruuxii aanay tiisu goini,
    66. Markuu gudbay ee talaabay,
    67. Muxuu talyaanigu gumaystay.
    68. Tows iyo xanuuno taabtay,
    69. Tiraanyo iyo ciil ku taagan,
    70. Muxuu ka talaabsan waayey.
    71. Abti garabkiisa taagan,
    72. Markuu taageero waayey,
    73. Muxuu taahoo gunuusay.
    74. Nabarkii taranturo ku gaadhay,
    75. Muxuu teetano ku keenay.
    76. Gaal aan toobad keenin,
    77. Islaanimo aan tixgelinin,
    78. Muxuu taakulo ka doonay.
    79. Maxaa wiil qoray ku taagay,
    80. Gabadh yari qoritunlaysay,
    81. Maxaa oday taayiroobay,
    82. Ilaa timo dheertu cayday.
    83. Muxuu oohinta ku taamay.
    84. Ilmadu dhabanada tiflaysay,
    85. Muxuu tebay oo dareemay,
    86. Halkuu taladeeda seegay.
    87. Muxuu taaheed ku raagay,
    88. Dhibtaa ku timee asqaysay.
    89. Maxaa gaal taajir sheegtay,
    90. toolmoon hablahaa tahriibay
    91. tiriig u eg gabadh tisqaaday
    92. dheeman qurux lagu tusmaysto,
    93. jidhkeeda aan daqarba taaban ,
    94. Muxuu tacadiyo u geystay
    95. afartaa taah xanuun dheh
    96. tiraanyiyo ciil abwaan dheh
    97. tabaalaha way aduun dheh
    98. Samow taxanaha aduun
    99. Haddaad tamar cilmi u weydo
    100. Caqlaa lagu tawakalaaye
    101. Dhismaa noloshaada toosi.
    102. Baro tiirarka islaamka.
    103. Tacliin iyo aqoon iftiinleh.
    104. Tarbiyada iyo diinta suuban.
    105. towxiidka Alliyo quraanka
    106. Tayada dhul shisheeye taala
    107. Anigu tegimaayo kow dheh
    108. Tubtayda ku doorsanmaayo.
    109. Dhul aan tacabkaygu oolin
    110. Nincada wadankayga tuulan
    111. Weligayba tahriibi maayo.
    112. Takana ka dhaqaaqi maayo.
    113. Yurubta fog tiigsan maayo.
    114. Naftaydana toogan maayo.
    115. libaax isku tuurimaayo
    116. Tahriibkiyo dhibaatadiisa,
    117. Ruuxaan tegin baa ayaan leh.
    118. Ruuxii in uu tiisan joogo,
    119. Rabigiis uu ku tuugo,
    120. Samo tashadaa aqoon leh.
    121. Ruuxaa tegay ee tahriibay,
    122. tabaalaa qaba aduunka
    123. Ruuxii tebay baa abaalleh.
    124. afartaa taydii go,aan dheh
    125. samo u talis aayahay dheh
    126. tacliin iyo murti abwaan dheh
    127. Umaday tartan baa aduunka,
    128. Dadyoygu u tabaabushaystay.
    129. Waxaa yurub dabaq tiqraaran,
    130. Waxaa sidii buurta taagan,
    131. Aqoon baa taabo gelisay,
    132. inana waxaan taagan nahay ,
    133. Tubtii laga soo dhaqaaqay,
    134. Qarniyo laga soo talaabay.
    135. taxanaha maalmaa aduun
    136. taariikhda islaba rogaysa
    137. ragbaa cirka tamashle aaday.
    138. dayaxa toban toban u raacay
    139. dhul kale tegay oo awooday
    140. Waxaan taa uga socdaa
    141. talaabsay oo layna dhaafye
    142. Sidani waa tamar la,aane,
    143. in aan tashanaa haboone.
    144. Tahriib maal laguma yeesho.
    145. Tijaarnimo laguma gaadho.

     

    Maxamuud Saleebaan X Ducaale (Maxamuud Gaani)

     

    Tell: 0634621517

     

    Email. Guulsame@gmail.com