Gudida Dabagalka Hantida Qaranka iyo Gudoomiyahooda Xildh. Obama waan Hambalyaynaynaa + MAANSO

    0

    DSC00697Guddida  dabagalka Hantida qaranka ee Golaha wakiilada Somaliland iyo Gudoomiyohooda da’da yar ee aqoonyahanka ah Mudane Maxamed Cali Xirsi(Obama)  waxay bulshada u soo bandhigeen si daacada halka ay wax ka kharibmeen waanan ku hambalyaynayaa.

    Gudoomiye Maxamed Cali Xirsi (Obama) wuxuu muujiyay dedaal iyo firfircooni badan oo ay ka muuqato kalsooni dheeraad ah, waxa uu nidaamka dawladnimo iyo wadashaqaynta haayadaha qaranka Casharkeeda u dhigayaa boqolaal siyaasada uga soo horeeyey, waxa uu Banyaalnimada maamul wanaag iyo la dagaalanka musuqmaasuqa tusayaa dawlad xadhkaha goosatay oo haday siday tahay uga faaidaystaan u noqonaysa isa sixid iyo ku dhiiranaan nidaam bilaa wax isdaba marin ah oo qaranku isagoo isku duuban uu Gaadho.

    Waxaynu ogayn oo warbaahinta badideenu kala soconay sidii quruxda badnayd ee warbixinta dheer ee aanay weli Baarlamaanku samayn ugu soo bandhigay sida ay gobolada dalku uga madhan yihiin miisaaniyada boqolaalka milyan ee dolar ah ee maalin walba sii korodha iyo Hanti-dhawraha hurda ee aan weli la arag cid uu u qabtay musuqmasuq iyo cadaymo uu u soo bandhigay.

    Sida ay gudidaasi sheegtayna aan maalin qudha u soo gudbinin warbixinihii looga baahnaa taasina ay ku tusayso musuqmaasuqa baahay ee aanu weli waxba ka qaban. Waxay ahayd madaxweynuhu inuu bedelo ninkaa Odayga ah ee may ahayn inuu Xildhibaanada Dhaameelka u adeegsado meel marinta xisaab-xidho dabo ilaa dacal wada qaldan si loo xisaabiyaana aaanay jirin.

    Guddida Dabagalka iyo Gudoomiyaheedaba waxaanu leenahay shacabku wuu arkayaa inaad ka soo dhalaasheen waajibkii idin saaraa Taariikhda Somaliland Baal dahaba ayaad kaga jirtaan halkaas dedaalka ka wada hana niyad jabina ee wada dedaalka.s

    Gole Noo Damqada

    Oo aan guul wadayn

    Oo Garasho Badan

    Xilka loo gartayna

    Aan dhaafsan Gaws

    Miduu Gubo xilkaa

    Guudka loo sudhoo

    Guno aan la siin

    Geesi miiganoo

    Guta Waajibkaas

    Xaqa kama Gabade

    Laaluushka Guran

    Gedaa Ina Cali Xirsiya

    Musuqmaasuq Gubo

    Oon Garab ku siin

    Gadhwadeenka jira

     

    Guulow allow

    Gaar noogu deeq

    Obama Gilgilay

    Oo kala Gurguray

    Xisaab lagu Gefiyo

    Kii qalad Galee

    Gudidaaa musuqa

    Gole baarlamaan

    Gaar ugu dirow

    Abaal guuna bay

    Gidigood bulshadu

    Idiin gunadayee

    Sii wada Guclaha

    Gaabiska iska jira

    Gobanimo aduun

    Ifka guri Haboon

     

     

    Dr. Jaamac Wacays

    Ceerigaabo Somaliland