Maanta Geesi Baa Baxay: Hoggaamiyihii Saxaafadda Xorta ah ee Somaliland – W/Q: Mustafe Sh. Cumar

    0
    Mustafe Geeddi
    Mustafe Geeddi

    Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ahaa xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA. ayaa xalay ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala magaaladda Nayroobi.

    Alla Ha u naxariistee Marxuum Maxamed-rashiid waxaa magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya loo qaaday Jimcihii 26-kii Bisha December, ka dib markii Khamiistii ka horaysay dhaawac culusi ka soo gaadhay Shil Baabuur  oo ka dhacay duleedka magaaladda Berbera.  Marxuumka waxaa la keenayaa magaaladda Hargeysa oo manta qabanqaabadda Aaskiisu ka socoto Salaasada Bari 30-ka Bisha, waxaana lagu aasi doonaa Xaabalaha Xeedho haddii Alla Idmo.

    Marxuum Maxamed-rashiid waxaa uu ahaa astaanta lagu garto xorriyadda Saxaafadda ka hana-qaaday Somaliland, iyadoo uu goor wal iyo goob kasta la taagnaa badheedhe uu ku difaacayo xaquuqda rayi-dhiibashadda iyo in dadku fikirkooda si xor ah u dhiibtaan.

    Eebe ha u naxariitee marxuumkan oo  kartidda Eebaha sareeya ee hufani u dhaliyay awgeed, u muuqday Dayrka col iyo cadaaweba kaga gudban inta u dhaq-dhaqaaqda xuquuqda aadamaha dib ayaynu taariikhdiisa oo faah-faahsan ka soo gudbin doonaa.

    Ka hor soo gudbinta taariikhdaas aan soo fool-tabiyo horaanta suugaan Baroor diiq ah oo ay tixdii koowaad bilowgeedda na soo gaadhsiisay Abwaan Nimco Aadan Hurre. (Nimco Gabaydo.)

    Waxay tidhi.

    Ifku geeddi weeyaan

    Gabal-dhiciyo waaberi

    Laga guurayaayoo

    Adoomaha ku guud nool

    Qofba galab ka hoydee

    Allaylehe nin gob ah iyo

    Halyay garasho dheer iyo

    Muumin ruuxa gool-moon

    U gargaari jirayoo

    Ka weynaa gankiisiyo

    Maanta Geesibaa baxay

    Garabkayga taagnaa

    Gacmo-madhan Alahayow

    Adaan kuu goglanayaa

    Naxariis gu weyn iyo

    Raxmaddaada aan gudhin

    Godolkeeda siiyoo

    Qabrigiyo ku guulee

    Godka aakhiruu tagay.

     

     

    Nin Garaad wacnaayoo

    Guddi jiray abaalkoo

    Gali jiray markiisiyo

    Hanad- lagu goblamay iyo

    Maanta geesi baa baxay

    Garabkayga taagnaa

    Gacmo madhan Allahayow

    Adaan kuu goglanayaa

    Naxariis gu weyn iyo

    Raxmaddaada aan gudhin

    Godolkeeda siiyoo

    Qabrigiyo ku guulee

    Godka aakhiruu tagay.

     

    Gurmad nin u ahaan jiray

    Birma gaydadiisiyo

    Mahuraanka gaabshoo

    Qofka dhibi ay gaadhaba

    U gargaari jiray iyo

    Maanta geesi baa baxay

    Garabkayga taagnaa.