HARGEYSA (SLpost)- Waxa Maanta oo Sabti ah dib loo dhigay Kalfadhigii 26aad ee Golaha Wakiillada Somaliland oo loo ballansanaa inuu furmo, ka dib markii golaha ka soo xaadireen xildhibaannada Muxaafadka ah ee Aqlabiyadda Golaha Wakiillad oo doonayey inay maamuus ka xayuubin ku sameeyeen Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.



