Abwaan Weedhsame oo Maanso DULMI-NECEB loogu wan-galay kaga qayb-galay Munaasibadda Somali Week Festival

    0

    weedhsameAbwaanka Dhalinyarada ah Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ayaa dhawaan magaalada London ee dalka Ingiriiska kaga qayb-galay Munaasibadda ay ku kulmeen hal-abuurka, qoraaga iyo xirfadleyaasha Soomaalida ah oo lagu magacaabo Somali Week Festival.

    Somali Week Fastival ayaa ah todobaad lagu soo bandhigo Suugaanta Quruxda badan ee Ummadda Soomaaliyeed,waxaana Sannad walba lagu Casuumaa oo ka soo qayb gala Muxtarimka Ummadda Somaliland sida Abwaanadda Fannaaniinta Qorayaasha iyo Majaajilaystayaasha Caanka ah .waana Madal lagu Maalo Maskaxda dadkaas aan ka soo Hadalnay.Xasan Daahir Ismaaciil ayaa ah Abwaan ay dadweynaha Afka Soomaaliga ku hadashaa ay aad u jecel yihiin,Suugaantiisa ayuu in badan kaga hadlaa,wax u sheega iyo Hoga Tusaalaynta danaha kala gadisan ee dhinac walba leh,Abwaan Xasan ayaa ay dhinacyo badan wadaagaan Abwaankii waynaa ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye)Alle Naxariistii Janno ha ka waraabiyee,waxaanu ahaa Macalin uu wax badan Uu ka qaatay,Suugaantiisa ayaa u badan mid Run sheega oo Xaqiiqada ku dhisan,waxaanu inta badan isku Taxalujiyaa wax u sheega dhalinta Da’yar ee Tahriibku Daashaday,Maansooyinkiisa ayuu qaarkood kaga hadlaa dhinaca Jacaylka oo uu sidii aad Tilifishan daawanayso uu kuu soo hor dhigayaa SAWIR aad u qurux badan oo ay Dhif iyo Nadir tahay Abwaan sidiisa kuugu Sawiraya inaad Aragto Xiligan lagu jiro ee ay Suugaantu Macno beeshay ayaa wuxuu Abwaan Xasan ka mid yahay dhalinta Kor u soo Qaaday ee ka dhex Ifaysa Suugaalayda Sooomaaliyeed.

    Hadaba Abwaan Weedhsame ayaa soo bandhigay Suugaan Mugwayn oo ka mida suugaantiisa aadka u quruxda badan ee looga bartay,waxaanu ku soo bandhigay Madasha Somali Week ee Sannadkiiba Mar lagu qabto Waddanka Ingiriiska Magaallo Madaxdiisa London oo uu ka mid yahay Marti Sharafta lagu soo Casuumay,waxaana sannad walba soo qaban qaabiya ururka kayd.

    Dad badan oo iskaga kala yimid Magaalooyinka iyo Gobolada Wadankaas ayaa ka soo Qayb galay Bandhigaa Quruxda badan ee ay Nasiibka u yeesheen,Bandhiga noocana Ayaa sida ay sheegaan qaban qaabiyayaashu inay uga danleeyihiin,barashada Da”yarta Wadamada Reer Galbeedka ku nooli Afkoodii hooyo iyo sidii Umadaha kale Wadankan ku dhaqan loola Tartami lahaa haday noqoto xaga Afka Suugaanta iyo wixii la hal maal Oo dhan,waana Caways aad u Qurux badan oo ka soo qayb galayaasha Xasuusin doonta Isirkoodii iyo halkay ka soo jeedaan,Maadaama ay Dal Tabyo badan qabaan Unna Heelan yihiin dhagaysiga Suugaantoodii oo lagu yeedhinayo Afkoodii hooyo,oo Qaarkood ku Hadalka Afka ay Arkaan uun Xafladah Noocana oo Qudha.

    Waxaana suugaantii madaxa loo lulay ee uu soo bandhigay ka mid ahaa kuwan: Maansada DULMI-NECEB oo ah Maanso Cusub oo uu Abwaanku sameeyey.

    Maansado waxa ay ku bilaabmaysaa:

    Maansooy dareeneey

    Dacar iyo ladh oogmaay

    Inkastoon dakana iyo

    Dibindaabyo kugu qabo

    Marna la igu kaa duro

    Ragna iigu kaa dudo

    Kuma dayrin karayoo

    Duunyaabad ii tee

    Ii darar bal gaaxdii

    Rabi iigu kaa dara.

    Labaan la isudari Karin

    Degel ruuxa wada furay

    Dannigiisu muu garan

    Inay kala dib boodaan

    Weheshiga dirsoociyo

    Qarannimo danmidalihi

    In qabyaaladiidura

    Saddexdii dalaaqood

    Lagu siiyo duuduub

    Waynagii dorraad uun

    Qallinada ku duugnaye

    Sawtan doonnanee weli

    Xisbiyada dumaashii

    Dunta loogu wada xidhay

    Geeddigii diyaarkii

    Dib maxaa u soofuray

    Buladkiyo dabayshii

    Iyo lama-degaankii?

    Doorashooyinkeenii

    Dubaaxdooduyaab lee

    Hungo lagu darleefiyo

    Hibashiyo ka sii daran

    Noqotaye xaggay deri

    Dawakhnaye ka leedahay.

    Dimuqraadinimadii

    Dihataye hadday tahay

    Doqonkani fariidka ah

    Dirataye ha ii dudin

    Dacartani macaanka ah

    Dalbataye dibnaa saar

    Durduradan harraadka ah

    Duldegtaye ku oonbeel

    Digo-rogashadeenaa

    Sahan li’ dullaantoo

    Wanqalkeedu dalabiyo

    Dudmo uun ku koobnaa.

    Maxaad doontayee dana

    Maxaad diidayee daran

    Maxaad door-bidee mudan

    Maxaad deyrisee hadhay

    Go’aan duunka weeyee,

    Horta daacad maad tahay.

    Ninka doortay wadarnimo,

    Ninka daaley weheshiga,

    Dan midaysa lama helo,

    Shir-doceed nin lagu dhalay,

    Shir-dugaalka uma bogo,

    Ab-tirsiinta dalabta leh,

    Axdi duuga kuma ogi,

    Qaran daacad laga jiro,

    Nolol doora kama sugo.

    Dhidar doori lagu yidhi,

    Dabcigaaga bahalnimo,

    Hadalkaasi kama dego,

    Dad shirqoolka lagu wado,

    Dannigoodu jecelyahay

    Digtoonowdu lama sama,

    Gudindaab ku maqan yahay

    Damal raagay kuma jabo,

    Dhirta diirta lagu dhaqay,

    Midhaheedu damac ma leh,

    Didmo xaajo lagu galay,

    Dawo ruuxna kama helo.

    Qof dalaaqay garashada,

    Dubbihiisu kama tago,

    Inta aan la duri karin,

    Nin duruufta noloshaba,

    Doobigiisa ku sarjaray,

    Deris baahan kama naxo.

    Danyartiyo saboolkii

    Deyntii ma siiseen

    Mise duunyadoodii

    Weli way dawarayaan? .

    Miyuu yimi damiirkii

    Dudayee maqnaan jiray

    Saw weli dalluuntii

    Dadnimadu ma hoostaal ?

    Dulmigii miyuu furay

    Daacaddii u mehersaday

    Saw weli daryeelkii

    Daranyada ma tuugsado?

    Damacii miyuu nacay

    Daribtii agoomaha

    Dibjirkii gidaarrada

    Saw weli ma daadsana ?

    Hankiinii miyuu duray

    Dulligii u qaayibay

    Saw weli duqaydii

    Dufankii ma raadshaan ?

    Xaqsoorkii ma deyraa

    Mooradiisu duugnayd

    Saw weli dillaalkii

    Dulmanaha ma dala’sado?

    Ma shaley dullaameen

    Ma xalay dayoobeen

    Saakana ma diifbaa

    Ma dulmay ku noolyiin

    Sidii loo dulleeyaa

    Weli loo dulyaallaa

    Golayaashii dabatadu

    Xeerar aan la deyinoo

    Duuduub ku dhaafaa

    Waa dabeecadoodee

    Ka daree ma maantay

    Dacartiyo dhunkaashii

    Darsadeen wadaamaha?

    Damiir-laawayaashii

    Ma maantay ku doodeen

    Marka aan ka daadago

    Xilka duudka ii sudhan

    Dan-yartaan ka baaqsaday

    Doorkay filaayeen

    Deyr-cadkoo daweyda ah

    Aan ka sii dareersado.

    Waxay nooga digayeen

    Saw kuwan ku daakiray

    Xaaraantii duufkii

    Goormaa daliilkani

    Xalaaleeyey soo degay

    Kabo-qaad digreetiyo

    Lagu keenay daadihin

    Ma anaa dadweynaha

    Duunyadooda hoo idhi?