Xukuumadda Somaliland oo Luqaddii ugu Qalafsanayd kula hadashay Dawladda Somaliya, kana jawaabtay baaq ka soo yeedhay Soomaaliya

    0

    Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Cabdilaahi Maxamed Daahir, isla markaana ah afhayeenka Xukuumadda, ayaa sheegay in aanay Dawlada Somaliland cidna uga daba-fadhiisan doonin aayo-ka-tashiga iyo ilaalinta ammaanka xuduudaha dalkeeda.

    Wasiirka oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxa uu dawladda Soomaaliya ku eedeeyey in faro-gelin ay ku hayso gudaha Somaliland meel-ka-dhac iyo dhaawac ku tahay wada-hadalladii u dhexeeyey labada waddan, isla markaana ay iyagu horseed ka noqdeen dagaal siyaasadeed oo ka dhex-bilaabma Somaliland iyo Soomaaliya.

    HALKAN KA DAAWO

    somalilandpost.net