HOYGA DULMIGA: Caddaaladda Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, Qaybta 1aad‏

    0

    1. In lacag loo ururiyo Waddada Ceerigaabo oo qudha! Waa la ii celiyay mushahar aan ugu tabarucay waddooyinka Maroodi-jeex… Ogaada, hadda waxa jidka Sanaag la iiga jaray qaadhaan aanan talo iyo rayi midna ku lahayn.

    Nin ka hadlayay waddooyinka dalka ayaa waxa uu yidhi

    Dagaariyo hadday noo sunteen, awr daboole ahe

    ASARDIYO Dilaa lagaa dhaxlaa, deriska liibaane

    Hadba kii dubaaq nool qarnigan, waan ku dayannaaye

    Daawiyo Sanaag waan lahayn, diir walaalnimo’e

    Dubku wuu u naxayaa jidkay, darayo haysaaye

    Sallaxley dariiqoo qabyo ah, DAWCAD bacadaysan

    Oodweyne damalkii wadwaday, diiray wadartiiye

    Diric iyo laf-dhabar Hawd u kacay, duufsay oo lumiye

    Dawarada haddaan loo sinnayn, waa daciifnimo’e

    Duwashada Dhakool iyo Fadhigu, waa dan iyo xeele

    Kalabaydhba maan diiddanayn, diif-tir waajiba’e

    Dinnaahaagan meel qudhi walaal, daw umay heline

    Dib-qallooc cartamayaa tacsuu, kuu daldalayaaye

    Dawan Mey wax loo duufsadaan, dooddu garanayne

     

     

    2.Waxa la bilaabay in la sameeyo Gole Guul-wadeyaal ah oo la rabo in lagu sheego Ururka Macallimiinta. Sidee ayuu nin maamule ahi xil uga qaban karaa madal u gaar ah bareyaasha?

     

    Waxa aan leeyahay

    Ninka hugunta dhagarta ah

    Ku hawaawiyaayow

    Hako oo hurdada gam’a

     

    Hilbo aanad liqi karin

    Hungureyn ha deydeyin

    Hadhacaaga ku ekaw

    3. Ragga haysta shahaadada heerka jaamaceed ah sida degree/master waxa laga dhigaa adeegayaal u shaqeeya rag aan dhammaysan dugsi sare iyo kuwo aan weligoodna tacliin sare loo xarriiqin.

     

    Anigoo digrii iyo

    Dibloomooyin haystaa

    Rag aan derejo A helin

    La ii laba dibleeyaa!

    Ma dawbaa walaalow

    Dhaaxaan dulqaatee

    Haddaan doorkan maanta ah

    La ii duubin maamuus

    Inaan doobbiyaal qubo

    Deyrta waydun aragtay!

    4.Haddii ay ahayd in qabyaaladda la aaso, side ayay Wasaaradda Waxbarashadu ugu dhaqmi kartaa nidaam ah 4.5? Miyaanay ceeb ku ahayn masuuliyadda ay u xilsaaran yihiin. Waan ka koray in aan kursi, kadab iyo kooto ku raadiyo ardaa iyo jufo. Haddii aan xil qaran la ii dhiibin, fadlan waxba kuma doonayo inaan reer Hebel ahay..

    Miyaanu Cabdillaahi Suldaan Timacadde odhan

    Dugsi maleh qaybyaaladi waxay, dumiso mooyaane

    Macallin Gaarriye waxa laga hayaa

    Uf qabiil anigaa leh

    Wuxuunbaa ehel ii ah

    Dad ninkaan af-aqaanno

    Si wax iila arkaaya

    Na mideysa ujeeddo!

    5.Wasaaraddu ha kala deyso ergada ay ii soo dirayso marka aan ka hadlo saxaafadda iyo askarta la igu ballaminayo aniga oo u socda hawl-qaran.

    Marka aan saxaafado

    Sadarkayga sheegaa

    Siciid mee la leeyahay,

    Subaxaan hubkii dhigo

    Sarkaal Muusahaa iyo

    Mukhtaar seefo loo dhiib

    Sidee xaalku tolow yahay?

    6.Muddo sannad ah oo aan rabay in la ii sharciyeeyo dugsi gaar ah oo aan furtay, waa la ii diiday “waanu soo eegaynaa, berri kaalay, lacag keen, aan hubinno” waxaas ayaa la igu maaweeliyay, anna waxa aan go’aansaday in aanan dib ugu noqon xafiisyada lug-gooyada ee Wasaaradda aan ka tirsanahay.

    7. Rag la ogyahay in ilaalada imtixaanka looga saaray eex ay ka galeen ardayda dugsiga sare 2006dii, ayaa halkii laga eryi lahaa laga dhigayaa madaxa goob imtixaan! Ma waxa la isku dallacsiiyaa laaluushka, beenta, guul-wadeyntan IKK.

    8.Waxa la qabtay shir lagaga hadlayo Manhajka Somaliland sida aan saxaafadda ku arkay, ragga joogayna waa kuwa qoray manhajka fadhiidka iyo macmalka ah.

     

    Gaarriye waxa uu yidhi

    Nin dawee la leeyahay

    Denbi uu badh leeyahay

    Xalka doon la leeyahay

    Isaguu u daran yoo

    Inu daaro ma oggola

    Daarraanta mililka leh

    Anna deyso ma oggoli

    Deebaaqda igu mudan

     

    9.Kuraasida qaar waxa aad mooddaa dhaxaltooyo, tolow miyaanay dalka u dhalan dhallinyaro lagu aamino xilalka qaranka. Waxa talax-gabay siddeetan jir, haddana waxa beddelay toddobaatan jir, maxaa soo kordhay?

    10. Weligay Wasaaradda Waxbarashada uma doonan ilaalo, imtixaan la saxo IKK, Alleylehe malaha sannad ayay ii garteen oo waan ka mashquulay. Imakana kama rabo xil, xoolo, xaq iyo xabbad qalin ah. Marka ay Ramadaan baxdo ayaa bur iyo biyo loo kala baxayaa haddii Guulle idmo..  

    11. Haddii aan dalka u tudhi jiray intii aan ardayga iyo adeegaha bulsho ahaa, maanta waxa aannu doonayaa in ay curato koox heegan ah oo la yidhaahdo NEW UFO. Eebbe ha nagu guuleeyo halgan la mid ah kii ay galeen macallimiintii iyo ardaydii Somaliland 20kii Feberweri 1982kii ee dhagax-tuurka oo maanta ku suntan halyeyo abaalkoodu noqday in maalintaas loo asteeyo ayaanta dhallinyarada Somaliland.

    Wuxuu yidhi Hadraawi

    Belooy maanta dabadeed

    Adaan daacad kuu ahay!

    Nin ku diirsadaan ahay

    Maalintay u daran tahay!

    LA SOCO…………………………….