Madaxweyne Siilaanyo oo Xil Wasiirnimo u magacaabay Masuul hore uga tirsanaan jiray Xukuumaddiisa

    0

    Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxaed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Cilmi-baadhista u magacaabay Cali Xaamud Jibril oo hore u ahaan jiray Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaadda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

    Madaxweyne Siilaanyo, ayaa bishii Afraad ee sannadkan xilka ka qaaday Wasiirkii hore ee xidhiidhka goleyaasha oo shaqo ka eryistiisa loo daliishaday xil-gudasho la’aan iyo cabasho la xidhiidha wada-shaqayn la’aan ay masuuliyiinta wasaaraddiisu ka gudbiyeen.

    War-saxaafadeed xambaarsan magacaabista masuulkan oo uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2622/072014 ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

    Madaxweynuhu:-

    Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;

    Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee JSL;

    Markuu Ka Fiirsaday:        Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

    Markuu ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

     

    Wuxuu go’aansaday

    In Mudane, Cali Xaamud Jibriil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

    Wasiirka Cusub ee wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Cilmi-baadhista Cali Xaamud Jibril, ayaa ka mid ahaa Xubnihii u horreeyey ee xukuumadda Siilaanyo ku bilowday dhismaha maamulkeeda markii ay talada dalka la wareegtay sannadkii 2010 xilligaas oo ay ku guulaysatay doorashadii Madaxtooyada Somaliland, waxaanu madaxweynuhu u magacaabay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Waxbarashada, haseyeeshee waxa xilkaas laga qaaday markii uu hayey muddo ku dhow saddex sanno.