GABOOYE IYO GUMEYSTEYAAL: Goobitaanka Geesi Walaaleeya Somaliland!‏ (RIWAAYAD QORAN)

    0

    siciid maxamuudWaa riwaayad qoran. Curiyaheedu waa Siciid Gahayr… Waxa soo saaray Akadamiga Suugaanta iyo Cilmibaadhista oo magaciisa rasmiga yahay SAM-KHAATUMO! Muddo afar bilood ah ayay soconaysaa haddii Alle idmo! Waa xujo ku socota nin kasta oo sheegta aqoon kuna abtirsada Somaliland. Alla maxaa indheer-garad ceeboobi doona marka la gaadho bisha sagaalaad haddii Eebbe igu simo. Waa geed ay ku garnaqsan doonaan Gabooye iyo beelaha kale ee Somaliland oo riwaayaddu u aqoonsanayso Gumeysteyaal. Haddii la ii hanjabi lahaa, waxa aan ogahay in samirka lagu gaadho guul! Dhaaxo ayaan qalin, af, caqli, caaddifad ugu adeegay reer Somaliland, gaar ahaanna inta aan ka guursan Gabooye. Nin liisan bixi kara oo aan cay aan u debcin baan ahay, halgankii Nebi Maxamed ayaan ka bartay casharro aan ku tamariyo. Magaca aan sitaa waa Gabooye, waxa aan hiil u ahay muslimiinta aad hayb-soocdeen! Waxa ka qayb-doona

     

    Gobsoor: Jilaa ka socda beelaha wax hayb-sooca

    Gumeyste: Wiil lagu ababiyay nacaybka Gabooye oo 13 jir ah!

    Gaari: Dhabeel aqoonyahan ah, haweenay ka mid ah beel-weynaha Gabooye

    Garaad: Madax-dhaqameed reer Somaliland ah

    Gadhweyne: Caalin ku xeel-dheer diinta

    Goomayste: Siyaasi gabay doorkii Gabooye ka mudnaa!

    Ganacsade: Hantiile dadka ku guubaabiya in aan Gabooye laga guursan

    Gadgaddoon: Shan-wejiile mar iska dhiga Abwaan, kol Macallin, Kol suxufi, kol

    Gawgaw…. Fura albaabka, miyaanay Sheekhii, Abwaankii, Suldaankii, Garaadkii,

     

    Madaxweynihii, Guddoomiyihii Baarlamaanka, Ugaaskii, Boqorkii, Aqoonyahankii, Wasiirkii, Agaasimihii guud, Taliyihii ciidammada Qaranka, Booliska, Asluubta, Garsoorkii maxkamadda iyo indheer-garadkii Somaliland joogin… garaac kale albaabka fura dee adeer, waa sidee….

    Gabooye: Waaryaadheen iska warrama?

     

    Gumeyste: Acuudu billaahi mina shaydaani rajiim. Waar kaagani xaggee ayaad naga soo salaantay. Ma geydid in aanu bariidada kaa qaadno, waxaad tahay midgaan, yibir, cadaqaate, samaayo-ururshe, ma magtii Bucur bacayrkii daallinka ayaad naga rabtaa! Adeer wiilba nooma dhalane, ma gabadhii uurka lahayd ee aad maalintii dhawayd sheedda ka dheehatay ayaad wiil moodday. Imaka samaayaha waxaanu siinaynnaa beelaha kale ee Somaliland. Aabbo wuxuu yidhi albaabka ha ka furina nin Daammi ka yimi!

     

     

    Gabooye:

    Daammi waa dhulkeenniyo

    Degmadii Hargeysee

    Duqa aanu tebaynnaa

    Waa dabin-tigagahaas

    Xumo kuu dardaarmee

    Da’yaraan adaa wacan

    Damiirkaagu korayaa

    Diintiyo kitaabkaan

    Marti daaddifaynteed

    Daliil looga helin karin

    Daayinkaan ku mariyee

    Duhur baan u soo kacay

    Inaan aabbe deex iyo

    La wadaago doodee

    Dafiraad hadduu baxay

    Aniguna daleel iyo

    Milic duuri maayee

    Dhaaxuu digtaatoor

    Igu doobinayee

    Ii diirnax maantoo

    Daayinkaan ku mariyee

    Darmo ii dhig gogoloo

    Islaam baan kuu diran

    Deyn waxan ku leeyahay

    Duunyada ka haystee

    Adigoon dambaabidho

    Igu sii dinnaahiyin

    Duunyo goobi maayee

    Daliilkuu cuskaday sheeg

     

    Gumeyste:

    Wuxuu yidhi aabbo

    Hadduu jin istaaago

    Afuufaya naaro

    Gabooyuhu waa ul

    Iblaysku ku guuro

     

    Wuxuu yidhi aabbo

    Midgaanka urtiisa

    Hadduu iniq maanku

    Sankaaga uftiisa

    Udgoon ma qireenba!

     

    Wuxuu yidhi aabbo

    Dad weeye islaamka

    Ku sheegta af beena

    Haddaad irbad siiso

    Ammaanada leexsha

     

    Wuxuu yidhi aabbo

    Dad weeye aqoonta

    Sidii uskag mooda

    Iskuulka ma joogo

    Dharaar ardaygoodu

     

    Wuxuu yidhi aabbo

    Aheey liq xalaala

    Afkoodu ma quuto

    Illaa Ingiriiska

    Bakhtaa u ah oonta

    Arsaaqda u fiican

     

    Gabooye

    Adeero adeero

    Istaaqfurllaay dheh

    Hadii jin istaago

    Acuudu bilaahi

    Eraan didiyaaye

    Hadduu yay islaam dhab

    Kumaa isir-gooyay

    Agoonta woqooyi

    Afweyne cidduu yay

    Kumaa afti qaaday

    Inaan nahay uunka

    Dad iinta u kow ah

     

    Udgoonka naftayda

    Hablaa ubaxaygu

    Nin uunsi u jeelay

    Haddaan mar u oogno

    Uhduu u dhacaaye

    Irdhaynta dhashayda

    Ujeeddadan weecsan

    Kumaa akhriyaaya?

     

    Kumaa i amaahshay

    Adduunyo dhaqaale

    Dabeed inkiraadda

    Afkaygu ku dayrshay

    Ilaaqda dadkiinnu

    Xun bay uriyaane

    Kumaanan oofin

    Wuxuu axdi doono?

     

    Abaabul tacliinta

    Haddeer ADEM fiiri

    Libaanna bal eega

    Ogow waa Barkhad waa gob

    Istaahil wasiir ah

    Haddaan jahli eednay

    Awaare ka toosnay?

     

    Haddaan bakhti eegto

    Ableyda biraynta

    Maxaan u afeeyay

    Hadmaan abxaddayda

    Inkaarta u quudhay

    Bal keen marag iinta

    “anaa arkayeey” leh

    Asluubta waxsheegga

    Edaabta ha laalin

    Waxaanad ogeynba

    Odhaahda ka dhawrso

     

    Gumeyste

    Ollogaygu waa dad

    Amintiiba beenta

    Ku afuufa meele

    Tusbax oogadaada

    Ka iftiima qoorta

    Sujuddiyo ilayska

    Araggaygu dheh

    Ixtiraamka weedha

    Edebtaada fiican

    Dhegta waa u eegga

     

    Orta baaqa yeedhmo

    War idaacaddaydu

    Eedaanka sheegto

    Aroortii ma dhuuxo

    Sadarkay aroorta

    Uugaanka beenta

    Inaadeerku baahsho

    Arrad baa ka muuqda

     

    Adoogay warkiisa

    Asmacaan maqlaaye

    Wuxu aabbo leeyay

    Aji baan haybta

    Eebbaa na doortay

    Annagaa dastuurka

    Ku aguugna beenta

    Iidoorku waa dad

    Xamar eersanayaa

     

    Aargoosi hoose

    Axdiyaal ku qaatay

    Arbe waa docdooda

    Oday waa dhankooda

    Aqallada wakiilka

    Qeybe waw ilduufnay

    Ubucdiyo wasiirka

    Madaxweyne eegto

    Ictiraafka doone

    Arrimaa gudaa xil

    Amnigaan u gaadhnay

    Ahe maalka Haashin

    Abtirsiimo leexsan

    Kuma aamminayo

    Ereyada tacliinta

    UFO yaa labeeya

    Aqallada garsoorka

    Aarkaa fadhiista

     

    Sidaan kuu af-duubay

    Awdaleey car nuuxso

    Ku-xigeen la aammus

    Anigoo ESTII ah

    Adh-caddeeye yaa leh

    Maakhirow astaynta

    Ku afuuf Darwiishka

    Faqash ima amrayso

    Rayaalow ushaydu

    Irriday ku dhaafin

    Tolwaa waa ab Daahir

    Illow waan halmaamay

    Abaal yeelan maayo

     

    Haddii aad iskuulka

    Afar gee i leeday

    Eeggaan ku siine

    Uugaanka jooji

    Aakhiraa caddaalad

    Alle keenayaaye

    Adkaysoo sab baad tay

    Midgo oomintoodu

    Ajar weeye khayrleh

    Gunta waan albaabi

    Gobta waan ilaashan

    Yibir waan adeegsan

    Eedduu xambaaran