Madaxweyne Siilaanyo oo magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska munaasibadda Maalinta Madax-bannaanida Somaliland

    0

    Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska munaasibadda 18-ka May oo ah maalintii ay Somaliland Xornimadii dib ugala noqotay Midowgii Soomaaliya.

    Guddiga Madaxweyne Siilaanyo magacaabay, ayaa ka kooban Wasiirro, Maayarka Caasimadda iyo xubno kale, waxaana guddoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde.

    War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul oo lagu shaaciyey digreetada madaxweynaha, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/MG/241-2387/042014 ku magacaabay Guddida Qaban-qaabadda Xuska 18 May, oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Cali Maxamed Warancade.

     

    MAGACAABID.

    Ku:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha      (Guddoomiye)        Hargeysa

     

    Ku:      Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta            Hargeysa

    Ku:      Wasiirka Wasaaradda Wax-barashadda iyo Tacliinta Sare         Hargeysa

    Ku:      Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta                                                   Hargeysa

    Ku:      Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska    Hargeysa

    Ku:      Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta                          Hargeysa

    Ku:      Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka                                                    Hargeysa

    Ku:      Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda                      Hargeysa

    Ku:     La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dadka laga tirada badan yahay Hargeysa

    Ku:      Maayarka Caasimadda Hargeysa                                                          Hargeysa

    Ku:      Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac                                  Hargeysa

    Ku:      Mudane, Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)                             Hargeysa

    Ku:     Xubin Ka mid ah Isu-tagga Dallada Hay’adaha Aan Dawliga ahayn (SONSAF) Hargeysa

    Ujeeddo:  Magacaabid Guddida Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

    Mudaneyaal iyo Marwooyin,

    Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska sanad guuradda 23aad ee maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May, maalintaas oo mudan xus iyo xusuus gaar ah.

    Sidaas darteed, waxa aan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida heer Qaran ee Qaban-qaabadda Xuska Sanad-guuradda 23aad ee maalinta Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

    Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qaranimo iska saari doonnaan xuska maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxa aan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.”