Hargeysa (SLpost)_ Wada-xaajoodka foolka-foolka ah ee Somaliland iyo Soomaaliya uga socda Magaaladda istanbuul ee dalka Turkiga, ayaa maanta galay maalintiisii labaad, waxaanay ergooyinka labada dhinac mid walba dhinaciisa ka muuiyey rejada uu ka qabo maxsuulka ka soo bixi doono wada-hadallada.

