LIISKA WASIIRRADA CUSUB EE SOMALIA: Agaasimihii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo Xil Wasiir looga Magacaabay Somaliya

    0

    news1Muqdisho (SLpost)- Agaasimihii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Jaamac Axmed Maxamed (Oday), ayaa loo magacaabay Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Somaliya, sida lagu shaaciyey magacaabista Golaha Wasiirrada Cusub ee Xukuumadda Somaliya oo mar-dhawayd lagu dhawaaqay.

    Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa goordhowd ku dhawaaqay golaha Wasiirrada cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadoo Munaasabadda magacaabistana ay hadda ka socoto xarunta Madaxtooyada Somaliya.

    Golaha Wasiirrada ee uu soo dhisay Raysulwasaaraha ayaa ka kooban 25 Wasiir, Shan Wasiiru-dowle iyo 25 Wasiir Ku xigeen waxaana magacyadooda ay kala yihiin sidan:-

    1. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/laahi Goodax Bare
    2. Wasiirka Maalliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane
    3. Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud
    4. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle
    5. Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed
    6. Wasiirka Waxbarashada Mudane Axmed Maxamed Guraase
    7. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Yuusuf Cali Aamiin
    8. Wasiirka Qorsheynta Mudane Saciid C/laahi Maxamed
    9. Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed
    10. Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Jaamac Axmed Maxamed (Oday)
    11. Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow
    12. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulinta Hawada Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel
    13. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Nucmaan Sheekh Ismaaciil
    14. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Ibraaahin Xaaji Aadan
    15. Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed
    16. Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada Mudane Khaalid Cumar Cali
    17. Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamed
    18. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Aadan Maxamed Nuur
    19. Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan
    20. Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye
    21. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Coloow Baroow
    22. Wasiirka Macdanta Mudane Daa’uud Maxamed Cumar
    23. Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Saalim Caliyoow Ibroow
    24. Wasiirka Caafimaadka Mudane General Axmed Maxamed Maxamuud
    25. Ku XIgeenka Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed