GASHI (Gabay) – W/T: Prof Axmed Yuusuf Cali

    0

    Prof Axmed Yuusuf CaliGabaygan loogu wan-qalay GASHI, waxa curiyey maskaxdiisana uu ka soo maaxday Hal-abuurka Da’da yar Prof Axmed Yuusuf Cali shalay oo taariikhdu ahayd 02/12/2013. Waxa uu Gabaygiisa ku hoga-tusaaleynayaa Qiimaha iyo muhiimadda isku-tiirsanaanta iyo ka-shaqaynta danta guud u leedahay dhismaha qaranimada. Hal-abuurku waxa uu Tixdiisan ku ibo-furayaa tilmaamo uu aragtidiisa ku iftiiminayo xaaladda waddanka ee wakhtigan iyo duruufaha saamaynta taban ku reebay dhismaha dawladnimada.

    Hal-abuurku waxa uu hoga-tusaaleynayaa sida aanay u habboonayn in nidaamka maamul ee dalka looga faa’idaysan karaamada xilka iyo masuuliyadda umadda loo hayo, balse taas beddelkeeda loo baahan yahay in laga faa’idaysto qiimaha ku duugan midnimada iyo ka-shaqaynta danta Guud.

    Hal-abuur Axmed Yuusuf Cali, waxa uu Gabaygiisa ku bilaabay sidan:

    Gabaygaan Gaawaha U culay, ee Gama’a ii diiday; 
    Runta Kama Gabbado goortay eegtahay Inaan Gardaadshaa;
    Gadda hore Bismilaahi idhi, godol horaantii;
    Guuguulaha Dhawaaqii gingimay, Galawga yeedhaaya;
    Guduudanaha hanti Ma-gafsadaha, gorof la-meerkiisa;
    Gofanaha guntiga gaabsadee, gundhi u heensaystay;
    Gor-gorkiyo Gafuur-yuubka ka-daran, godadle Maydhaanka;

    Is-gamaarintaa kii Yaxaas, Inala Gaadaayo;
    Goriilaha Xisbiyada gilgilay, garab hal-dhaalaynta;
    Laan-garabta goondhabo bidaha, midhif Gabaarayda;
    Garbiyada lammaan Siilaanyadaa, gabi dhaclaynaysa;
    Dar la gaadiidsaday mar hore, gocasho reenkooda; 
    Shinka galay shirwaynaha gayaxan Ufiyo gaydha fooraha; 
    Goobada Abeesadu fashee soo il-galaclaysay;
    Soongurka Maraboobsaday, gadaal gocondha-duubkiisa;
    Golihii La Doortoo  Guraca Lagu Gorfaynaayo;

    Guurtida baryahaaba gama’sanayd, gooli cilinkeeda;
    Gar-darrada Is-wada gaadhayee, gacan la siinaayo; 
    Gulufkiyo Wargaysyada la gigay, mirasho guuraynta;
    Gumacyada Kaahin lala beegsadee, Qabile soo gaadhay;
    Goolaaftankaa Faysal galabsanee, Lagu giriifaayo;

    Guul-wadaha Caqligu goofka yahay, ganaf ku-qaadkiisa;
    Gabdhihiyo Ooryahaa gorodda Isla galay, gees Ku lalintooda 
    Maggeydada gantada kii la dayay, godod lameerkiisa;
    Go’aa nabadda haddaan lagu ladayn, waa gantaal Culuse;
    Gurgur-shaagaan alaabada ku raray, xadhiggiyo goyntiisa;
    Guud-caddaaga Qabiilada gandhabay, ee gawska dhaafsaday;
    Hawsha guud Kii ka doorbiday, tiisa gaarka ah;
    Goortii xaq lagu giijiyee, lagu gulaameeyo;
    Gabboodsiga qabiil iyo markuu, soo gujiyo reer;
    Oo loo gurxamo good iyo Abguri, gudub la meeraayo;
    Oon loo garaad-celinahayn, saw gunnimo maaha.

     

    ***                        ***                        ***

    Golihii la doortoo guraca lagu gorfaynaayo;
    Oon Galdaloolada Dastuurkaba, lagu Gufaynaynin;
    Sargooyada Sharciga, jaamihii la galuubaayo;
    Oo gomodaha middaad gali tidhaa, ganafsi diidaynin;
    Haddaan Intoo loo gurmado, laysna garab taagin;
    Oo ganacsatada xeer goobahayn, geeddi-wadareed;
    Gaf ninkii sameeyaba, hadaan lagu ganaaxaynin;
    Guluf iyo tolaay haddaan, laga Gu’ roonaanin; 
    Gallad iyo waxaad gaadh lahayd, haw fadhiyin Guul.

     

    ***                        ***                        ***

    Caqli guuna gashiimada hantida, gabi ahaanteen;
    Gaashaan-qaadka xooggiisa garan, Lagu gadaamaynin;
    Oon gurasho loo gurin tacab, loo gad baxahaynin;
    Gacmahana intoo lays wada qabsado, aan mid loo gu’in;
    Oo Gundhig Tawxiidku noqon, Calanka Guudkeenna; 
    Oon Warshado laysla guulahayn, loo gudboon yahay;
    Miyaan Magafaha laga gaadhahayn, dhalinta gaylaantay;
    Oon lagala giigayn tahriib, badaha guuxaaya.

    ***                        ***                        ***

    Gabannada geedka yimi midkii, gacanta loo dhiibo;
    Galabtaa haddii loo guuriyoo, lana guddoonsiiyo;
    Galbis iyo mashxarad iyo haddii, gibilladu maashayso;
    Oo guudlaydu heesaha qurxoon, gaafka ku caweyso;
    Gurigii markuu gudaha soo galuu, gurada doonyaysto;
    Gashigii HadDuu gudi waayo, oo wejiga soo giiro;
    Hadduu ugu gabbood-falo Iskii, oo guntada taaga;
    Aamminaad gankeedii tahoo, cidi ku goyn mayso;
    Oo geddii abaal-xooradii galbaday, Uu gadhka u sooho;
    Inuu Libin ku gooshaa arliga, waa gar loo Noqon.

     

    ***                        ***                        ***

    Waxba gabaygu yuu ila durkine, waxaan ku soo gaabshay;
    Galbeed iyo Jiiddaa Bari, guban Ilaa Oogo;
    Hadba Geestii la rabo iyo gooddigii Mudan;
    Gunnada iyo Kabkaba gobolkii helaa waa Geyiga Uune; 
    Guubaabo iyo in loo hagar-baxaa, way gudboon tahaye;
    Raad-gadasho meesheed Iyo mulaca goohiisu;
    Garaafada shacbigu hooyaay, maggayo gubadyo qiiqaaya. 

     

    DHAMMAAD

     

    Prof Axmed Yuusuf Cali

    Axmed-fm@hotmail.com

    Hargeysa, Somaliland