Siilaanyo:Gabowdaye Guurtida ku Biir,Qormadii 23 aad Qalinkii Liibaan Xaji Fagadhe (Gabagabo)

    0

    Waa markhaati madoon iyo muran reeb waa maalmo ina soo maray oo aynu milicsanayno waa manfac aynu leeney misne aynu moog nahey ee bal aan miida iyo micnaha udaa dago .

    Siilaanyo wuxuu dhisaa koox aan wada shaqeyn karin, wuxuuna diciifiyaa hanaanka maamulka ee ma kobciyo bulshadana wuu kala qeybiyaa oo isku haynta bulshada dani uguma jirto.

    Bal qabsoo Madaxwaynahaasi ma ahayn mid shicibku soo doorteen waa marxuun Cigaale (beelo ayaa soo doortay), baarlamaanka sidaa wax u wadayna waxa uu ahaa mid qabaliya oo intooda badani aqoon dugsiyeed aan lahayn. Ku darsoo saxaafad sidan wax u daba gashaana ma ay jirin.

    Maanta oo intaa badalkeedii aynu hayno haday tahay habka doorasho, aqoonta xildhibaanada iyo warbaahinta oo aan la xakamay karin, ayaa dowladeenii ku dhiiranaysaa in aynu si yar u aqbalno wax ay naan rumaysnayn. taana waxa u sahlaya qaybsanaanta, laaluushka xad-dhaafka ah ee la caadaystay.

     

    Wasiirka cusub ee Arimaha Dibada Maxamed Biixi waxa uu inoo shagey markii uu London kula kulmay Shirkadii Shidaalka in dhibaatada ay sheegteen ay aheyd waraaqo hanjabaad ah oo mucaaridka iyo qurbo joogo uqoreen ,bal ku yara noqo markii uu xilka lawareegayey waxa uu yidhi anuu lacag uma soo doonan ee inaan dalka ushaqeeyo Ayaan uga imi UN kii aan ka shaqeynaayey waynu ogney Qof iimaankiisu qalalanyey inaaney lacagi Qoynin oo waydinkaa arkaya in taajiriintu iyagoo haysta ubadkoodu waxay dhalaan kuway sii dhalaan wax kabadan in ay hadana wadaan in sii kordhiyaan oo waa qalbi ooman waxna uma tarto taasna ka rumaysanmayno iyo daacada oo isaga keen dhigay .

     

    BARO Maxamed Biixi Yoonis (BIIXI SOO LUGO’AY)

     Akhriste waxaan  jecelahay inay ila wadaagaan inta muxaafidka ah ee xukuumada uheysata inay sax santey , waxanan leeyahay; Wallaalayaal waxaynu ku kala aragti duwan nahay Siyaasada  oo waxaynu kala raacsanahay shakhsiyaad  Qoraaga iyo Saxaafaduna waxay soo bandhigaan runta iyo wixii jira waxase hubaal ah in aynu mid ka nahay Jiritaanka iyo Gooni isu taaga Somaliland. Mar hadii ay sidaas tahay aynu ku ilaalino hadba cidii joogta inay ka turjunto mawqifka aynu ka midaysanahay. Reer Somalilanow idinka oo aan muxaafid iyo mucaarid u eegin bal maankiina la kaashada dhacdooyinkan idin hor yaala.     

      Hal waddan laba safaaradood kuma lahaan karo waddan. Somaaliya marki ay dib u so noolaatay ayay safaarad ka furatay south Sudan, south Africa iyo meelo kale dabeeto kuwii Somaliland waa la so xidhay waxaana soo xidhey madaxweyne Siilaanyo 2010 golihiisii wasiirada ee ugu horeeyey waxa uu la magacaabay Hal safiir waxaanu Albaabada usoo xidhay 12 safaaradood oo aynu badankooda ku laheyn Africa oo ay ka mid ahaayeen kuwa galbeedka Qaarada Africa.

    Xafiiskii UNka ee Hargaysa boodhkiisii magucu ku yaalay waa laga badalay oo waxa lagu qoray Regional office.

    Qaado ama ha qaadan, xafiiska hawada waxa laga maamulayaa Muqdisho, Ciilmoogana kama gaban inuu baarlamaankooda hor yimaado oo uu u sheego hawada Somaaliya inaanay gorgortan gali karin oo uu isagu maamulayo, ku darsoo teenu waxba kamay odhan markuu sidaa lahaa– miyayse wax ka odhan karaan waa wixii ay isku ogaayeen oo aan midh lagu darin e

     

    Wasiirka macdanta ee Somaliya Cabdirisaq Cumar Maxamed, isaga oo bishan 10/2013 horaanteedii  ka hadlaya munaasabad lagu soo casumay kambaniyada betroolka oo ka dhacday magaalada London, ayaa waxa u dib ugu yeedhay dhamaan cambaniyadii batrolka ee ka howlgali jiray waddanka Somaaliya wakhtigii ka hooreeyay 1990. Isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay waxa u ugu yeedhay  Heshiisyada maamul goboleedyada. waxa u intaa ku daray in ay la so xidhiidho dowlada fadaraalka cidii ay dani ka hayso qoditaanka khayraadka dalka.

    Somalia’s federal government, seeking to reassert control over the war-ravaged country, said oil exploration licenses issued by regional governments in the Somaliland and Puntland regions of country are invalid.

    Genel Energy Plc (GENL)Africa Oil Corp. (AOI) and Ophir Energy have won licenses to search in Somalia’s semi-autonomous regions,

      “Any contract that was given or awarded by a federal member state is not valid,” National Resources Minister Abdirizak Omar Mohamed said today at a conference in London. Companies holding those licenses “should start negotiations with the federal government.”

     

    Dowlada Somaliland jawaabo ka ma bixiso arrimaha noocan ah, ee waxay isku daydaa in ay shaki sii dhex dhigto shicibka masaakiinta ah waxanay eeda oo dhan saartaa mucaaridka ayaa ka dambeeyay shirkadii Genel inay waddanka ka baxdo. Waxaynu leenahay Kulmiye hortii  shacabka Ceel uma Qodnayn balse Cid baa u Maqnayd; Maanta Ceelna uma Qodna Cidina uma Maqna.

    Halkan link kuuyaal faahfaahinta ka bogo

    http://www.bloomberg.com/news/print/2013-10-07/somalia-s-federal-government-says-regional-oil-permits-invalid.html

    Bal eegoo Biixi Soo lugo’ay muxuu ku falayaa waxaas oo beena ilayn Xukuumada uu ka tirsanyahey ayaa xilkeedii gabto oo shacbigana ku mada daalinaysa riwaayado Caanteyn ah waxaad arkeyseen mr,Biixi in uu safar maalmahan ugu dambeeyey ku joogey dalka Masar ma masar baa ogol Somaliland gooni isutaageeda waa taynu ogeyn oo geed dheer iyo midgaaban ba way ufuushaa inaan leyna citiraafine  markaa sow kuuguma filna inaad barato Biixi oo aad ogaato in uu siyaada Siilaanyo ee Qaranka lagu mijo xaabiyey la socdo waana waxyaabaa leynooga dhigaayo in Siyaasadii Arimaa Dibada nin khabiira la keenay .Khabiirkuna xaguu joogaa waaba kaa beenta sheegaayee .

    Hadaba waxaan leeyey Shacbiga reer Somaliland Hadaanu nahay Saxaafadii,Qoraayadii, Siyaasiyiintii iyo qofkastoo jacel Jiritaanka qaranimada Somaliland haday qeylo dhaantey ,haday qalintahey iyo waxkastoo aanu soo bandhignay oo waliba aanu xataa Af shimbireed idinku darney waxaad ka door bideen in waxkastoo Siilaanyo iyo Xukuumadiisu wataan aad ka hadliwaydaan waana sidaas oo abada ah oo Madaxweyne kastoo yimaada waa in aan laga hadlin oo lagu ixtiraamo xeerna ay noqotey Sidan maanta oo kale oo aan laga hadal madaxweynaha imandoonaa hadii uu wato ( Xirsigiisa,Cumaanigiisa,Moorgankiisa iyo inta ay tani wadato oo kale ee boobaya hantida qaranka ee jabinaaya sharciga iyo cadaalada) waana mid aynu xukuumadan ka yeelnay kuwa dambena kuma qabsaneyno.

    GABO GABDA

    Waxaan leeyey Siilaanyo waanu kula garanay Siyaasada iyo aad rabto in aad markale isa soo sharaxdo waanu ka dharagsaney in aad rabto in sheekada Xisbiga  Kulmiye balse ay runtu tahey oo marka ay doorashada gaadho oo aad rabto in laguu kordhiyo oo aad kaga xooriso 3 sadex sano tana waa lagaa hayaa oo hal maalin ah laguugu darimaayo haddii aad Musharax tahayna iswaydii yaad Codka markale ka dooneysaa ma umadan aad ka deeday ee aad manfac iyo maal waxay lahaayeen Boobtay Baaqigiina ay shakhsiyaadku Musuqmaasuqeen waxaan ku odhanlahaa Siilaanyo haku soo lugu’ine maantana shaley hamoodin da’aan kugu dooraanaa kuuma hadhin waliba waxaanu Baarlamaanka dambe codka ku siinaynaa in ay dastuurka ku daraan maadaama 40 jir nin kayari madaxtinimo isku sharixikarin in 65jir nin ka waynina aanu madaxweyne isku sharixi Karin Sidaa darteed waxaa kuu banaan umada intaa barasho iyo been ugu filan ee  kaliya waa (GUURTIDA) Umana baahnid xiligan XIL ee XANAANO ayaad ubaahantey.

    Gunaanadku waa gabaygii aynu qormooyinkeena ku bilaabijirnay sadexda sader ee ugu horeeya waana murtidii  Alle ha unaxariistee Abwaan Cabdi Iidaan

    Deelleey dareenleey
    Rag Alloow ma dooxaa
    Ma dillaaciyaa nabar
    Daboow duur galoo olol
    Adiguna Digooy gubo
    Danba maw idhaahdaa

    Habartii docdeediyo
    degelkay ku noolayd
    Daruuruhu ku hooreen
    dadka wada hel mooddoo
    Daad-wararac bay tidhi
    misna talada kuma darin
    inu duud abaariyo
    Degel lagu harraadiyo
    Gobol lagu darleefiyo
    darxumooyin muuqdaan
    Dirqi-ku-nool u badan tahay
    danyartiyo shaqaaluu
    daasad garawa goyn karin
    Inuu Duhur-Dalawgii
    Debedaha u suudalay
    dibjirkii ku maqan yahay
    Waase Dumare yeelkeed

    Dibigii Xareeddiyo
    Dooxadu u buuxdee
    Dinaahyeeyey ee ciyey
    Isagiyo dibbiradii
    Duuluulka Karantiyo
    Dayrtiyo Jidhaamaha
    Dareenkiisu kama foga
    Lo’eey dabargo’aagii
    Dabadheer abaartii
    dariiqyada wadhnaantii
    Dawyada tubnaantii
    Dabadeed dhulka u dhow
    Duunyada u tabar-daran
    Dumar seben barwaaqa ah
    Subag kaa dudduuciyo
    Nacasbaan ku deynine
    Kaa durug nin fiicani

    Afartaa dheh deelley
    Dadkaa lagu habaaraa
    Ducona waa u dhawdahay
    Alla Ku Doori waa maxay

    Daad kor u socdaa jira
    Durdur oomay baa jira
    Dabar waashay baa jira
    Dameeraaba Weyl dhalay
    Sacab timo ma laga deyey
    Duqdi nirigti kama gudhin
    Isku dununuc reentee
    Daawad Gorofka yaw culay
    Suaashaasi dawga ah
    Danyar cabashadeeda ah
    Dulmanaha warkiisa ah
    Kacaankana Dansheegiyo
    Dawya u tilmaanka ah
    Duqu yidhi abwaannada
    Dareenkiina soo dhiga
    Diqsi ururay baad tiin
    Nin deggani ma odhan karo
    Duuflaalse mooyaan
    Dirxiguba dantiisuu
    Qudhunka u dabbaashaa
    Waxa taa la derejo ah
    ninka soorta duufka ah
    dadku nacay isagu cunay
    dardarsaday Fandhaallada
    Anigaa dushaydiyo
    warma danana iyo seef
    Dunjigayga lala dhacay
    Doofaarka ficil li’i
    Naar loogu daayimi
    Horta maan dagaallamo
    Duqa yidhi ma maqasheen

    Dul-ka-muummin baa tahay
    Uur-ka-Daallin baa tahay
    Dibno Kacaana baa tahay
    Isha bidixna kuu daban
    Dalba-Juuqahaaguna
    Wax la dedo ka xeel dheer
    Allow yaa ku dooxoo
    Haddana aan ku dilinoo
    Waxaad damacsantee kale
    Debedda ula soo baxa

    Afartaa dheh Deelleey
    Dabray oo ka jeedladay
    waxan uga danlee yahay
    Dadka reer Jaboutee
    Dawladnimada tooda ah
    Cidna aan iskaga darin
    Waa deris walaalkaya
    Dugsi weeye gacalnimo
    Anigu waan ku diirsaday
    Lama dira-diraalayn
    Ha daardaarin waa gobe
    Aniguna ma diidani
    Dugaagbaa ku shiray meel
    Daawana way lahaayeen
    Hal dubaaxa buu helay
    Waraabii dedaalkiyo
    Duqa weyn isaga buri
    Darribtii u wada dhigay
    Waa kii Dawrigii Aar
    Ku dellaley dharbaxada
    Inuu dilose ma ahayn
    Wuxu yidhi Dayooy hee
    Adna Dogob qaroomee
    Isku wada darsay tidhi
    Wuxu yidhi Dayooy yaa
    Daacadnimada kuu dhigay
    Dacawadi waxay tidhi
    isha Cali ninkii deyey
    Digniin wawgu filan tahay
    Dibna leef shariir hoo
    Dufan jecel dheryaha kari
    Diktoor beena sheegtiyo
    Afarrey ku daahiyo
    Mid Ammaana doontiyo
    Dir-cunnooy ha kala tegin
    Adiguna Dameeroow
    Dawankaaga qaadoo
    Higso faraska Doolaal
    Dani seeto weeyee
    Daba soco ma gaadhide

    Haddii gabayadii Dura
    Salfudaydka lagu daray
    Degdegsiinyo weeyee
    Mid ka daran ma sheegnaa
    Darbanoow Astaadkii
    Seyidkii Daraawiish
    Kula diriray gaalada
    Dar Allee habaarkii
    Labaduu is daba dhigay
    Dalka yidhi idiin tali
    bal darmay ahaayeen
    Anuu daaha kama rogin
    dadkuse waa yaqaannaa

    Dabbaal barad caruuriyo
    Dhalinyaradu daashaye
    kolka daan-cirrooliyo
    Raga madaxu Deeb yahay
    Dirirta isu soo hadho
    Warku daaqsin geel tago
    Ninba maaxdi haw dego

    Mahadnaq

     

    “Waxaan aad ugu mahadnaqayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan ee ii fududeysay baahinta qormooyinkan la’aantoodna aanan dadka gaadheen waxaan kaloo umahadnaqayaa dhamaan Akhristayaashii Lasocdey Qormooyinkan mar labaad iyo mar sadexaadba waad mahadsantiin.

    Qormooyinkan aynu ugu magacdarney(Siilaanyo:Gabowdaye Guurtida ku Biir) ayuunbaa dhamaadey balse waa inoo iyo qormooyin kale oo xiiso badan”

     

     

    Liibaan

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    DHAMAAD

     

     

    GUUL ALLA