Jaamac Oomaar Seed oo Maalintii Afraad Ku Xidhan Xabsiga Gabbood+Ehelladiisa oo Laga Horjoogsaday Inay Booqdaan+Sababaha loo Aanaynayo Xadhigiisa

    0
    Djibouti (SLpost)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar
    Geelle ayaa xabsiga dhigay Guddoomiyaha ahna Mulkiilaha Shirkadda
    Ganacsiga ee Oomaar Trading Co. Ganacsade Jaamac Oomar Seed oo Ka mid
    ah Tujaarta ugu waaweyn Dalalka SOmalialnd iyo Djibouti.  Ciidammada
    Jandarmaariiga loo yaqaan ee dawladda Jabuuti ay Ganacsade Jaamac
    Oomaar Gurigiisa ka soo qabteen Maalintii axaddii iyaga oo Ku xidhay
    xabsiga dhexe ee loo yaqaan Gabood. Ma Jiro war rasmi ah oo ka soo
    baxay dawladda Jabuuti oo ku saabsan xadhiga ganacsadahan hase yeeshee
    ilo wareedyo ku dhaw Ganacsade Oomaar ayaa Wargeyska Hubaal u sheegay
    in loo aanaynayo xadhigiisa Sigaar dalka Jabuuti la keenay dhawaan
    kaasi oo lagu eedeeyey Shirkadda inaanay habka sharciga u soo marin.
    Dhinaca kalena waxa wararku tibaaxayaan in  xadhigiisa lagu
    xidhiidhinayo xidhiidh ka dhexeeyey isaga iyo nin kale oo ganacsade
    ahaa oo u dhashay dalka Jibouti balse hore dalka uga cararay ka dib
    markii xafiiltan dhinaca siyaasadda ahi dhex maray oo la yidhaahdo
    Cabdiraxmaan Boorre. Ciidammada ayaa sidoo kale Albaabada u laabay
    xarunta ganacsi ee shirkaddaasi ku leedahay magaalo madaxda Jabuuti
    taasi oo ilaa hadda xidhan.  Ma jiro war rasmi ah oo Illaa xilligan ka
    soo baxay dhinaca shirkadda iyo dhinaca dawladda iyadoo warku intaa ku
    darayo in xataa eheladda  ganacsadahan loo diiday inay xabsiga ku
    booqdaan.
    Somalilandpost News
    
    Sharikadda Oomaar Trading oo xarunteeda ugu weyni ku taallo Somaliland
    oo uu leeyahay ganacsade Jaamac Oomaar Seed ayaa ah shariikadda ugu
    weyn ee ka jirta Somaliland, waxaana ay dekedda berbera kala soo degta
    bishii hanti ka badan laba jeer marka la isku darro hantida ay
    ganacsatada kale ee Somaliland kala soo degaan, waxaana lagu tilmaama
    inuu yahay ninka ugu cashuur bixin badan markay noqoto ganacsiga ka
    shaqeeya Somaliland.
    
    Somalilandpost.net
    
    Djibouti