Maanso Kooban iyo Sheeko ku Ladhan

    0

    m cccBismilaahi Raxmaani Raxiim ugu horayn waxaan idinku salaamayaa slaanta islaamka ee qaaliga ah salaantaas ka bacdi waxaan halkan idiin ku soo gudbin doonaa hadii alle ka dhigo maanso yar oo gaaban iyo sheeko aay ku timi hadii eebe idmo

    Waxaa I soo booqatay goor danbe oo habeenimo ah  inan magaceeda iigu sheegatay sugan iina timaan tay in uu dhalay nin suldaan ah oo magac iyo maalba lagag danbeeyo oo aad bulshada dhexdeeda loo qaderiyo

    Hadaba bal hadii aan lab kelmadood qiimaha inantaas ka idhaahdo.

    Quruxda, qaayaha, iyo edebta  uu ilahaay xubaan oo dhan ka nasahane inantaas ku manaystay waxa aan ka qaaday wareer iyo indho daraan dar..

    Waayo weligeey maan arag qof la jog iyo jaamalba ah xitaa telafishanada meelaha fog fog dadka is weji bara kamaan arag iayadoo kale ah

    Wax ay iila muuqatey qof ka nabad gashay walbaahrka iyo waayaha aduun ama se aanay ku badnayn.

    Laakiin taas waxaa igaga sii la yaab, amankaag iyo fajacba badnaa markii aay iisheegtay in aay guurdoontahay anigana iigu timi in aan bal geyaankaas faraha badan ee hareera yaacaya aan talo iyo tilmaamba aan ka siiyo.

    Malaha akhriste waxaad ku hamiday. miyaanu maxamed qudhiisu guur doon ahayn?

    Oo muxuu isaguba qoftaas qaaliga ah u sii daayay ninku waa sidee ?

    Waa su,aal jawaab leh saaxiib akhristoow.

    Inkasta oo aay ahayd qof aan la siideyn oo aan cid kale loo quudhin hadana laba sababoodba wey iiga far baxday aniga inantaasi

    1: ta koobaad wey iiga fara baxadayoo anigu waxaan ahaa markaas nin  xaas ah oo caruurtiisa isga xoogsada

    2: waa ta labaade waxaa la yidhi raganimada waxaa lagala baxaa meel cidhiidhi ah ama deeqsinimadu waa marka aad bixisid wax aad hayso markaas waxa ugu qaalisan.

    Hadaba hadii aay inantii aniga iga fara baxaday. Waxa aan geyigeena ku ogaa nin halyeey ah oo qiimo iyo qaayoba lagu majeerto sidaas darted baan inantii ugu sahantegey . bal ninkii  qaaliga ahaa ee aan meesha ku ogaa uu boos ka banana yahay  nasiib wanaag ninkii iyo gabadhii wey is afgarteen waana laysu doonay weliba aroos aan weli caalamka hore uga dhicin ayaa loo sameeya.

    Hadaba sheekada waxaa ku ladhan maanso aan ugu magac dhebay inantaas qaaliga ah oo qoyska fiican ka soo jeeda


    Waana tane gudooma maansadii sugan
    marka hore salaan wacan

    Marka xiga suagneey
    weedhaadi sama wada
    sarbeebtaadi maansada
    gabay gaagi seemane
    nagu soo sugnaayoo
    saxalada wareegiyo

    Satalaydhkaa laga helay

    marka xiga sideedaba
    waa silsilad aduunyadu
    midka sorta iibshiyo
    sabool aan wax hayn iyo
    sumcadlaha aduunka leh
    sanku neefle oo idil
    midba saacad baa u qoran


    xidid sooryo mudan iyo
    gacal iyo sokeeyeba
    isa seege aadmigii
    samirkiyo dulqaadkiyo
    iimaan sed weeyoo
    lagu kala sedroonaa
    saatirkaa wax bixiyoo
    midba weel ku siiyoo
    uga dhigay sed gaariyo

    Sina laguma waayaan


    qaarbaa sunii iyo
    faralkiiba seegoo

    Sii daayay noloshii

    si kastaba aduunyada
    waalaga sacdaliyoo

    Subax aan fogaynbaa

    Safar looga baxayaa

    Allahayoow sed khayrliyo

    Safkii negiga raaciyo (scw)

    Sidii roon na garansii

    Aan hadalka saafoo

    Kuu saxo u jeedada
    suganeey  warkaagii
    saygaad itidhi doon

    Waraka aan ku siiyee

    Sahan baan u dirayoo

    Safarna waaan  u baxay dheer
    suun iyo abaar iyo
    sunbu caad kaliileed
    may sababin geedigga
    saac iyo barwaaqadu
    sifaarka iyo geedahuhu

    Waay  wada sinaayeen

    Sahay ma aananse wadan badan

    Soolal iyo dhul kaan maray

    Iyo socodkii dheeraa

    Waa  saatir mahadii

    Hadaan helay   sedkaagii


    ninka  saaka joogee

    Saxan hooyadii tahay

    Suldaan aabihii yahay

    Sama talis ku caan baxay

    San ku dheefle oo idil
    kaa soocaday adigee

    Kiligaa ku saanyaday

    Jacayl baa sal iyo baar

    Si yar uga abuurmoo

    Seedaha wadnaha iyo

    Surimada hal boowlaha

    Dhiigu wuu sun sumayaa

    Beerkuna  ka sii daran

    Suleekhaay daraadaa

    Surayda isku jiidoo

    Saran seeray weeyee

    Adna sawjad khayrlaay

    Saxan ina suldaaneey

    Quruxdii suleekhiyo

    Sanqaroor biciidleey

    Sugaantu gabay iyo

    Sarbeer waay ka culustee

    Horta yuu ku seegine

    Sunto oo ha sii deyn!

    Nin sabool ah maan arag
    saadaal ruux ku nooloo
    nabsi uun sugaayiyo

    Saabir qaawan ha is odhan

    Soomal haadka waayuha

    Sakatiga aduunyada

    Saxal wareega maalmaha

    Sil siladuu ka soo maray!


    Aan saafoo hadalkoo
    murtidana sifeeyoo

    Aansargooyee maansda


    cidla looma sacab tumo
    been laguma seexdee
    warku yuu ku seegine
    kaad sugaysay inanyahay
    saygaagi baan helay

    ninkuu  waa suldaan  dhab ah
    soo jireen hidiyi dhaxal

    Waa halyeey ku samir badan

    Wa bilaahi tawfiiq

    Maxamed Cali Cige

    Email; 1989.mcccderi@gmail.com

    Tel: 0252 63 4240937