Maan-gad, Maanso Baroor-diiq U Ah Abwaan Gaarriye, Curinta Axmed-YAASIIN C/Raxmaan (DOOL)

    0

    axmed-yaasiinMaansdan, waxan ugu baroor-diiqayaa abwaankii, mufakarkii, barihii sare ee caanka ah ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), oo xalay (01/Oktoobar/2012)  ku geeriyooday waddanka norwey.

    Maansadni waxay tilmaan kooban ka bixinaysaa waxyaabihii guud ahaan iyo gaar ahaanba loogu xasuusto maansayahan, muhindis iyo macallin Gaarriye. Sidoo kale waa maanso xambaarsan duco iyo in ALLE u naxariisto halyeega ka baxay ummadda Soomaaliyeed.

    Waa kuwan meerisyadii maansada MAAN-GAD

    Maalin waliba sheeggeed

    Madal wali tilmaanteed

    Taariikhdu mudankeed

    Mahadhiyo abbaarteed

    Maankiyo  dareenkii

    Maansiyo awaasheed

    Muhashiyo odhaahdeed

    Marinteeda tuduc iyo

    Meeriskeeda aadkaa

    Sida loo macneeyiyo

    Miisaankeeda doorka ah

    Abwaankii min-guurshee

    Maskaxdiisa curintiyo

    Maankiis ka keenee

    Afka ugu miciinoow

    Abwaan Maxamed Xaashoow

    Macallinkii duruustee

    Aqoon muunaddeediyo

    Cilmi laga macaashoow

    Mudankii ha-doorkoow

    Maalmahay qadhaadhayd

    Kii mahadho reebee

    Mashaqadii sokeeyahay

    Midhkii ugu habboonaa

    Aan ka maagin ereygee

    Xaqa muujintiisii

    Masrax kaga dhawaaqoow

    Maaminteeda nabaddana

    Nin maslaxo ku doonoo

    Meelkastaba u aadoow

    Makhluuq waari maayoo

    Mawdku dhaafi maayoo

    Macbuudkeena weyn baa

    Midhkaa hore u sheegoo

    Qofba maalin uunbaa

    Loo maydhi diirkoo

    Nafta laga mal-jiiddiye

    Hadduu maanta kuu yimi

    Xaquu Maaliggii yidhi

    Maanka iyo laabtaan

    Macallinooow ku taaloo

    Naga maydhmi mayside

    Milaygiyo qiyaamaha

    Markay xaajo murugtee

    Dadku maan wareerree

    Muxubiyo walaal iyo

    Waalid kala muqaartaan

    Rabbigeen miciin iyo

    Naxariis mug-weyn iyo

    Deeqdiisa maaxda ah

    Madal lagu qaboobiyo

    Jannadii mudnayd iyo

    Maqaamkii Rasuulkiyo (c.s.w)

    Meel wacan lagaa gee! AAMIIN AAMIIN

    CURINTII: MACALLIN AXMEDYAASIIN C/RAXMAAN AXMED (DOOL)

    Ayaasiin55@hotmail.com