DHUUDHAAS (Maanso) – W/T: Abwaan Maxamuud Sh. Cali

    0

    maansoMaansadan oo uu curiyey Abwaan Maxamuud Sheekh Cali Siciid (Caways Bahale), waxa uu soo baxay 09/09/2013, waxa uu isugu jiraa waddaniyad, garnaqsi, waano iyo kaftan-sugaaneed oo ku socota siyaasiyiinta dalka, gaar ahaan Madaxweyne Siilaanyo, Wasiirka Madaxtooyada iyo Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka.

    Wajaq iyo is-moodsiis

    Dar wadkoodii galay iyo

    Waafigii ku bahaan

    War yar kaaga sheegiye

    Weedhaydan qun u maqal

    Wegereey ma garateen

    Wacadarahan gilgilay iyo

    Iyo gorayo khaakhlayn

    Waddanigaa dhur-sugayoo

    Dhawraayey guul qaran

    Goobtii la furiyo iyo

    Geedigu hadduu degi

    Tudhaal gaws-qabsanayoo

    Surbacaadka gaajada

    Gaagaabsan cabshiyo

    Gunaadka iyo nabarada

    Taaha iyo goohaba

    Gaadhka iyo ilaalada

    Gedi layl ku foognaa

    Gunno ugu duudaynee

    Gobonimo ka saanyadaa

    Goob lagu faqaayiyo

    Golo la isu wacay yimi

    Moodyey gacal ku farax iyo

    Gobaad baa dhashu yidhu

    Gabashadu dhegaystuu

    Gobo’diyo xogtii helay

    Garabkayguu taabtoo

    Go’iwaaye maandhaw

    Maragtaa giniistani

    Gaadiid qaadkan baaqdiyo

    Gumarada isku baawayn

    Lama fila iyo gurin tira

    Waaye odhon ka guray xalay

    Wuxu yidhi god-qode dheer

    Iyo gumaro xeel foge

    Goolaaftan cabashiyo

    Garnaqsiyo is-yeelyeel

    Tookhe gorayo khaakhlayn

    Nin baa baan guban

    Ku gunaanad gabay maqal

    1. Xaashi baa gabyoo yidhi

    Dhitadaan gunneeyeen

    Gaarka u kobcinayeen

    Gabashada bulshada sugay

    Inta ay gam’ayseen

    Gadaal aan ka guri rabay

    Lama fila iyo gaadmo xun

    Siilaanya goor baas

    Gudbi yidhi xilkoo dhiib

    Gagabkaan ka qadaan

    Golahan u abuuree

    Gar miyaad ka weyntiin

    Ginni kama haleeline.

    2. Xasan baa gabyoo yidhi

    Miyeydaan i garanayn

    Balligubadle sawtaad

    Ku-xigeen guddoonshe ah

    Siyar garabka la ii sudhay

    Dalka guda galkeeniimaanso

    Tuurbaa ina galalafoo

    Gacal-tooyo dhaawacee

    Go’aan miyaaban ku lahaa

    Soo gudubtay..gudubtoo

    Gu’yaal aan dhursugayoon

    Iska waayey gole qaran

    Xusbigaan u gogol-dhigeen

    U guntaday maxa gabay?

    Axmed-dhegax gadoodkii

    Golaftankii Arab

    Maxa lagu gudbayaha?

    Ma sanuunshay garashaday

    Guushaydii waxay taal

    Golahane i garab gala.

    3. Faysal baa gaboyoo yidhi

    Xaggu gebi xagguna gebi

    Guntu wallac dheh xaajadan

    Doorashayo laba galay

    Gacmo madhan go’aan noqay

    Horrena waxa i gunayn jiray

    Guuraha shir la is wacoo

    Casho, guunyo kabis iyo

    Jeegag gudub socdoon gu’in

    Riyaalana gaduu rabaan

    Guddoon aan ku siin jiree

    Guddoonshaa igu soo hadhay

    Xusbigayga gebigii

    Xataa ganaca dhiiboo

    Jamaal ina Xuseenoo

    Jeebabku u gingimanyiin

    Milyan gini wax kaga gaday

    Hadduu go’ay kiniinkiina

    Siilaanyana gardiid noqay

    Jeeba gacanta gelin waa

    In aan gudub ka dego oon

    Garab cararo gaadhiga

    Gole hamashkan soo Waco

    Wada ila gashay afgo’a

    4. Dhega-weyna gabay baan;

    Gedahan jicsiman jiray

    Garabo goosi sibidhikiyo

    Gacan-dhiibka haamaha

    Googoosi tuub xad

    Gadistiyo dilaalkii

    Dayday u garaadayn

    Dekeda iyo cashuurahaan

    Gebirka aan ka guri jiray

    Siilaanyaa gooyoo

    Guryahaygiibaa ba’ay

    Haba gubato Lantuye

    Gefkan dhacaan gole u wacay

    Gebagebaan horsed ahay

    Iyo gulufe ha u dagan.

    Dhanka kale dhugtoo idhi

    Xirsooyo go’aankiyo

    Adiguna gadaa sheeg

    5. Xirsibaa gabyoo yidhi;

    Gaban ba aniga ii daa

    Cilmi iyo gorfayntiyo

    Garashana umaan negi

    Goobtan aan ku suganahay

    Gadh-caddiyo ged-weyntii

    Siyaad uu gardaadshaa

    Ka gubtoo colaadiyo

    Guluf weerar aan demin

    Ii laba gacmoodshoo

    Ged kastaba adeegsaday

    Goortaan yaqiinsadaan

    Ana aan difaac galay

    Gaydhkoon ka xidha iyo

    Gudbintoodaan diidiyo

    Gabay inaan u tiriyaba

    Iyaga iga galabsadoo

    Nabadi waa iga garanuug

    Gacma taag is dhiibiyo

    Jeeray weerar gooyaan

    Gartaan inaan dhigooda ahay

    Goobo iyo meeriyo

    Gantaalaha ridada dheer

    Gujiskay ii istaadhanoo

    Waa i guri dhufayskuna

    Gaagaabsi waan dhigay

    Dub u gurasho ma aqaan.

    6) Waddani gabyoo yidhi;

    Garashoo ba’ buu yidhi

    Garbiga iyo quudhsigu

    Inkastooy gad-jaan iyo

    Xasad gurin-tir uu yahay

    Nacas guul ha moodee

    Waxaad gool ku dhalisaa

    Godka kaad u qodaysiyo

    Dhukus gaadmo ruxaad

    U maleegi geerida

    Intuu gama’san yahee

    Wali aanu kugu garan

    Sidaan waa iskaga goyn

    Gedaan jirana maan arag

    Ma aan garan gufaacadan

    Wanjal way ka gudubtoo

    Goolaftan dhaaftee

    Tani maa iskaga goyn.

    Markaan goobay aragtida

    Genbigii dalkeeniyo

    Tani waa iskaga goyn.

    Geenyada ha laga dego

    Ninka samaha gasirow

    Rag colaadii kumaad guban

    Dhanka kale golow fahan

    Gedigiiba shacabkanu

    Madaxweyne guunoo

    Guddoonshe uu doortoo

    Goolaha waxqabadkana

    Gedi waynu aragnaa

    Garab qabashadiisiyo

    Guulayso ma ogiye

    Gol-qaniina kama mudan

    Dhan kale golow fahan

    Ha ku dagan bulshadan

    Gogol giringiris ku siisee

    Bustahay gembida iyo

    Gadoodna wuu ka dhaw yahay

    Calankay ka gaadh tahay

    Googa dheh cigale

    Guntin furisteed weeyaan

    Xirsow goobtaad joogtaa

    Waa guri muwaadinoo

    Dulqaad iyo ka goosada

    Goob waliba xeerkeed

    Go’aan qaadasho xilkeed

    Kala gaar lahaatee

    Ha godbinoo ha gaydhine

    Sinaan loo gudboon yahay

    Gudbi oo ku gacan-qabo

    U fur gaydhka wixii gara.

    Dambay mooday gar u eeg

    Gefna ha igu noqtee

    Madaxweyne golahanu

    Raggan guurtidee lumay

    Hadday sidan garmoodeen

    Waayeel gafay u tudha

    Iyaba way garaabiye

    Gogol sooryo gobonnimo

    Gurigaaga ugu yeedh

    Gaagaabsi wax u sheeg

    Gacaltooyo kula xaal

    Cadaw guunnaba tuban

    Guulba inaga sugayee

    Laba geedi baa u hadhee

    Kula eero gobonnimo

    Xilkas guusha odaynimo

    Ku gunnaanad xaajada.