Af-Soomaaliga Cusub ee dhalinyartu isku af-garato – W/Q: Cali Cabdi Coomay

    0

    CALI COOMAYWaa kalmado ay sijoogto ah, u isticmaalaan da’yartu oo dhexdooda ay iskufahmaan, balse aanay dadka waayeelka ahi fahmin.Marka laga reebo dadka waayeelka ah ee dhalinyarta xidhiidhka la leh.

       

    Erayada cusub                       Macnahooda

    1. Wuu is-rifayaa……………………………….     wuuqayilayaa
    2. Waad igu liin-baxday……………………..       waad iga hadhi weyday
    3. Yaa la socda……………………………………yaa taageersan
    4. Waa loo raran yahay………………………      uur baa loo leeyahay
    5. Nadiif baan ahay……………………………     lacag ma haysto
    6. BBC-da og………………………………………qofkastaog
    7. Lugtuu aastay…………………………………  wuu guursaday
    8. Waa loo qayilay………………………………   waa la khiyaameeyey
    9. Baddaa ku kacsan……………………………  Wuu lacag la’yahay
    10. Waa lala soo darsay…………………………   jacayl baa kudhacay
    11. Tacsibaa u taal…………………………………waa lala guursaday
    12. Afkuu furtay……………………………………   wuu caytamay
    13. Dhiiqaduu cabay……………………………… wuu ceeboobay
    14. Noobaandhee…………………………………  aynu is-dhagaysano
    15. Waa laga lushaa……………………………… waa la jecelyahay
    16. Nalbuu shitay……………………………………sirtiisuu sheegay
    17. cid kale ayey u rarantahay …………………   qof kalay la sheekaystaa
    18. naftay dhigeen………………………………     way tahriibeen
    19. badduu galay…………………………………   balwad ayuu yeeshay
    20. jeebiisaaqoslaya……………………………     waaodaylacaghaysta
    21. gaadhigayga maaha…………………………  kama helo noocan
    22. shahaadaa loo dalbay…………………………               dhaawac baa gaadhay
    23. miisaan ayaa saran……………………………                meel baa laga haystaa
    24. jilbuhuu aastay…………………………………                caruurbuu dhalay, aabo
    25. googleweeyi……………………………………waxba lagama qarin karo
    26. timuhuu daystay………………………………  wuu waashay
    27. hawo ayuu soo doontay……………………     Dibada ayuu ka yimid
    28. gacantaa dheeraatay………………………… wuu shaxaad badatay
    29. yaa ku lug leh……………………………………macquul maaha
    30. maskaxduu furtay……………………………    maandooriyuu soo cabbay
    31. cirkuu galay……………………………………  wuu dhoofay
    32. wuu ku qarxiyey………………………………   wuu ku caddeeyey
    33. luuq buu ku jiraa………………………………  wuu guursaday
    34. wuu tigtigan yahay……………………………  waa tahriib
    35. yaasiin kaa dhaafay……………………………                miinaa la qaraxday
    36. wuu baxsan yahay……………………………  sheekada lama socdo
    37. ducadii ma timid………………………………  biilkii ma yimid.

    Cali cabdicoomay

    Suxufi, qoraa ah.

    B.A in Journalism

    Hargaysa, somaliland

    calicoomay@hotmail.com