Madaxweyne Siilaanyo oo CAAWA Dhaqan-geliyey Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka oo Golaha Wakiilladu MAANTA Ansixiyey

    0

    SiilaanyoHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Xeer madaxweyne ku dhaqan-geliyey Xeerka Takaaliifta Hormarinta Waddooyinka oo mudaneyaasha Golaha Wakiilladu maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.

    War-saxaafadeed xambaarsan Digreetada madaxweynuhu ku dhaqa-geliyey Xeerka oo caawa ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka madaxtooyada, ayaa u qornaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2048/092013   ku  dhaqan geliyey Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka.

    Madaxweynuhu:-

    Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Arkay:  Go’aanka Golaha Wakiillada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF-  22/620/2013 ee ku taariikhaysan 24/09/2013 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka Xeer Lr. 64/2013.

    Wuxuu Soo Saaray

    Dhaqan-galka Xeerka Takaaliifta Horumarinta Waddooyinka Xeer Lr. 64/2013 ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

    ALLAA MAHAD LEH

    Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

     Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.