


Hargeysa (SLpost)- Wasiirrada Madaxtooyadda iyo Waxbarashadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Marwo Samsam Cabdi Aadan oo maanta kormeer ku tagay Dhismaha Jidka Dawga Cad, ayaa ka qayb-galay munaasibad lagu dhagax-dhigay 4KM oo ka mid ah wejiga labaad ee dhismaha jidkaa ee Woqooyiga Caasimadda Hargeysa, taas oo lacagta ku baxaysa ay iska kaashadeen xukuumadda iyo Ganacsatada.

