DIGTOONOW: (Gabay) – Jawaabta Gabaygii Wasiir Xirsi ~ W/T: Rooda Ibrahim

    0

    GabayXirsoow daadah oo debida baro dani-ba yeelkeede
    Duqa ha iska raacee warkuun ugu dar mooyaane
    Hayskala dalxiisee dushuun ka arag mooyaanee
    Deelay hadaad tirisay iyo waliba deelqaafkan
    Oo aad digniin bixinaysoo adigu doobyayso
    Digtoonoow anaa kula dacwiyi , doodna kaa badine
    Taariikhda duuga ah hadaad dib ugafaalootay
    Dulcad iyo markii maatadii qaadhka lagu daadshay
    Ee ay Daroor iyo tageen , duurka iyo hawdka
    Dambarsamalay qaalmii markii duulanku is jiidhay
    Wixii diric nin raga, maalintaa qaydka lagu duubay
    Dabaqdhoonka geelee isagu diday ma sheegayne
    Xirsoow maad dagaalamin rabigu wayna dilayaaye
    Daljirkiise qarsoonaa hadaanu maanta dibad joogin
    Taas danqaabi maayoo ilayn ways dugsanaysaaye
    Waxa Maantaa lagu daynayaa , Dirirdhabaan tegey
    Afartaa miyaan deelka gabay doc uga waydaaray
    Daalaadhac iigama tagee , duurxulkii gabay dheh
    Darwiish, Faarax nuur iyo Gahayr derisyadoodii dheh
    Dabaq Qaasim, dubii yawle-iyo dacartii baar-eeg dheh
    Sidii daad rogmaday waa murtida daaficii Caliye
    Bal aan dunida waayaha markale dacaladaa eego
    Dirkii Ina Sadam( 1 ) waad ogtahay siday u diirteene
    Dalandoolkii Seef(2) wuxuu xidhnaa dumar hugoodiiye
    Isagoo daliiley qabteen daanaduu falaye
    Dayrcadkii Xusniyo(3) wiilashii Dooli laga yeelye
    Iyagaba daluun iyo hog-baa lagu daboolaaye
    Hadeer Dimishiq iyo daarihii laysu dacareeye
    Maanta la day-dayaha-yaa danabkii dheeraaye(4)
    Degelkeenan waad garanaysaa duubcastii hore,e
    Daacuf-lii Cadeed , Faalso iyo Daalinkii Gaani
    Dusha marinta baastooladii, Moorgan laga diidye
    Dariiqaa la wadhay inamadii, duhur dharaareede
    Dalqo wayne(5), waa loo dawaray dabadii ooryiiye
    Nin kastoo daruuraha qabtaa maalinbuu degaye
    Duunkaa la eegaa nafluhu waa is daba jooge
    Intay dubatay Wiil hoog ayaan ruux dafirahayne
    Dambarsamalay qaalmii markii duulanku is jiidhay
    Wixii diric nin raga, maalintaa qaydka lagu duubay
    Dabaqdhoonka geelee isagu diday ma sheegayne
    Xirsoow maad dagaalamin rabigu wayna dilayaaye
    Daljirkiise qarsoonaa hadaanu maanta dibad joogin
    Taas danqaabi maayoo ilayn ways dugsanaysaaye
    Waxa Maantaa lagu daynayaa , Dirirdhabaan tegeye
    Afartaa miyaan deelka gabay doc uga waydaaray
    Daalaadhac iigama tagee , duurxulkii gabay dheh
    Darwiish, Faarax nuur iyo Gahayr derisyadoodii dheh
    Dabaq Qaasim, dubii yawle-iyo dacartii baar-eeg dheh
    Sidii daad rogmaday waa murtida daaficii Caliye
    Nin darjiidhayaan doonayaa inaan dabaalaaye
    Dooh qaalin buubaaya-baa lagu dabreeyaaye
    Hadii uu dulqaad kaasi yahay doontiiwaa halise
    Bal dareenka waanada mar kale aanu daro haanta
    Dambarkeeda dhayda ah, amaba malabka doocaana
    Hadii aan wax kale lagu darayn waa dawo Ilaahe
    Layska diid daliilkii Alliyo , daa,in xeerkiiye
    Dawlad iyo la kala saar midkii dani ku qoolayde
    Goormay distoor gaal Xaqii kala dab qaateen dheh
    Dimquraadi goormay Sharciga daris wadaageen dheh
    Waar waad dambaabtaye adeer dib uga soo laabo
    Dulqaad baa xilkana loo ogaa dibu heshiisiine
    Deris kugula nool meel waxa u roon, inaad dawaysaaye
    Malaa dacar magow iyo ma gayo daabcad baan sidane
    Rag is dayno mooyee ma laha dirir inoo xeere
    Mid ku dura , mid kuu duurxuliyo , boqol ku diidaaya
    Mid dareen galoo kaa shakiyay kaana diday haatan
    Qaar kugu dambaaboo ku yidhi hadalo deelqaaf ah
    Iyo qaar dakano sheegtayood , dhakharo gaadhsiisay
    Oo aad xilkii kaba dirtoo , dibada meeraaya
    Ninyoow daacada Ilaah , dad kaa qayliyaa badane
    Daruuraha inaad saarto ood damaqdo mooyaane
    Inaad kala diraysoo inaad dacar walaaqayso
    Ood dabin u qooshoo , adigu dumiso mooyaane
    Diiwaanku muu qorin xirsoow wuu dejinayaaaaye
    Waxse iga dardaarana midbaan kuugu darayaaye
    Murti kaa da,weyn iyo hadaan hadal ku deeqsiiyo
    Oon daabac maansada ku xidho yaandib loo furine
    Odayada duqoobiyo abwaan da,aha mooyaane
    Kuwan kuu durbaan tuamahayee kuugu daray heesta
    Ee yidhi darwiish baad tihiyo dumar ha waydiin dheh
    Doolo iyo hawd sare markuu dirirku soo joogo
    Ee daakiradii xeryaha laga dareeraayo
    Daabadkii hayina iyo midkii dirifle buubaala ah
    Docda gurada keebaa caruur lagu daboolaa dheh
    Oo dumar ku aamini karaa , maataday dihatay
    Waa duurxul waayeel waxaan kuu dulmarayaaye
    Durduro iyo raadqaadka ubad kee danbayn jiray dheh
    Dooxa iyo jidhaamaha midkee lagu dabaashaa dheh
    Darbanta iyo leedada nin ragi miyuu ka diraa dheh
    Meel aan dagaal jirin miyuu diric hubqaataa dheh
    Daahiya nin ogi saw qabriga dib umajeedaasho
    Dab wixii shidaayiyo xumaha saw kadurug maaha
    Dalawooy hasheenii mar kale daayac yay mudane
    Xagayagan warmaha dadan la yidhi ducona loo yeelye
    Alloow doobir baan nidhi waxuu inanku doonaayo

    ALLOOW DOOBIR BAAN NIDHI WUXUUINANKU DOONAYO..

    BYE RODA EBRAHEM