Dartaa Magac Dumar, Mas Buu Igu Yahay! – Dhacdo Run Ah! (3aad) – W/Q: Yaasiin Axmed

    0

    Yaab, shaamareer, amakaag iyo dhabanno-hays ayaa dhashay kolkii la maqlay gabadh xaas ah xalaalna lagu qabay, oo ku kacday fal dibindaabyo ah inay hoosta kala heshiiso nin kale! Miyaanu garaad lahayn ninka afka u dhuubaya afo islaamnimo lagu meheriyay? Ma cid kale ayuu waayay? Muxuuse filayaa markuu sidan sameeyay?

    Dadkii xog-ogaalka u ahaa dhacdadan mid ka mid ah oo is-hayn kari waayay ayaa aragtidiisa ku muujiyay suugaanta uu murugo ugu wan-qalay… Wuxuu yidhi:

    Waxaa minan loo dhisaa

    Qofkii muuniyo tixgelin

    Dhiggiisa u muujiyee

    Qofkaad milaygii kal hore

    Milgaa u samaysay guur

    Hadday midabyaal qarsoon

    Haddeertaba muujisooy

    Maleegtay gad aan la filin

    Bagaad dalqaddii markaba

    Abwaan run ka saartay midig

     

    Markay tidhi “maammadaa

    Intaan kaga siiyo malaq

    Ayaan dhiiggeeda miran

    Xigaalkuna waa mur iyo

    Dad aan maskaxdaydu rabin”

    Maskii kuu dhuuntayee

    Wanaaggaba aan maqlayn

    Xumaa u mashxaradi jiray

    Intaan micidiisu korin

    Bagaad “Kaa maarmay” tidhi

     

    Mashaakil hadduu alkumo

    Masuulkiyo waalidkaa

    Inay maslaxaad unkaan

    Heshiis marti looga yee

    Kolkuu maagaabki dhalay

    Intuu milyanaadki cunay

    Haddana isa soo mutuxay

    “Yartayda ma muuliyo

    Furriin baan muhanayaa”

    Waxaan micne badan lahayn

    Shirkiyo madashii la yimi

    Bagaad soddog aan mudnayn

    “Yartaada la muuf” ku tidhi

     

    Magaalka warkiisa iyo

    Xogtaan maqlay baan fajacay

    Horaa meher loogu xidhay

    Qofkaad ugub moodaysoo

    Bagaad qof la maalay tidhi

    “Marwiyo xaas iima tihid”

     

    Intii ad madluufisay

    Qudhaadi mafsuuddayoo

    Naftii murug daysayood

    Lib iyo farax weyn mulkiday

     

    Nimay gabadh xumi mirtaa

    Ifkuu ku madluun noqdaa

    Gankiisana lama murmee

    Bagaad middidii haliil

    Musbaarki jidhkaaga muday

    Miishaar ka fogaatayood

    Ku tidhi “Mudankaaga hoo”.

     

    Haddeer dhir magoolay iyo

    Man iyo ubax raadiyoo

    Mushaax arligaago mudan

    Gayaanka ka miidho ruux

    Wanaag marag looga yoo

    Illaw mililkii ku helay

     

    Saaxiib kale oo ay wiilka isu-dhawaayeen ayaa tiiraanyada dhalatay ku cabbiray tixdan

     

    Bi’i waa hubsiimooy

    Degdegoow belaad tahay

    Beeneey lur baad tahay

    Saaxiib dhab barashadu

    Waa buug xusuus mudan

     

    Balaggii laguu lulay

    Wuxu haa barkumataal

    Adigoo bar roobliyo

    Dhul barwaaqo joogaad

    U hayaantay buur aan

    Baad doog lahaynoo

    Adaa bagagi kuu daran

    Boqray oo dhabeel

    Qaryad bilan ku sheegoo

     

    Baxar iyo adaa halis

    Nafta biime geliyoo

    Inkastood baqoolkii

    Beegsiga is tidhi aad

    Dhul baldhoole iyo maadh

    Ka baxeen dareemadu

    Alleylehe bus iyo

    Beercaddaad rafaad luu

    Bacadlihi u geeddiyay

     

    Bido waxay mashxaraddaa

    Marka uu billaawuhu

    Boqnaheeda gooyoo

    Waa laga baroortaa

    Reer baaba’aayee

    Markay baydki taagnaa

    Burburkiisa fulisay

    Qosol beer-caddaatee

    Haddii ay baraad iyo

    Maskax buuran leedahay

    Booyid baa u roonayd!

     

    Basar iyo asluub wacan

    Qofka lagu barbaarshaa

    Ixtiraamka badiyee

    Baraday ku ababtaa

    Buuq iyo lahaa yuus

     

    Haddii uu belbelo holac

    Baansiin wax guba iyo

    Batrool laguma daadshee

    Saaxiib bahdeedaa

    Boholaha ka tuuree

    Barxaddeedi iyo qoys

    Haddii ay ka buriyeen

    Haba baayaceenoo

    Munaa baydka tumashiyo

    Hay fureen bakhaarrada

    Boolida jidh lagu gado

     

    Naag-xumi belaayiyo

    Bogcad naara weeyoo

    Buulkeeda wiil galay

    Ku badhaadhi maayoo

    Bahda iyo faciisana

    Lama baratamaayee

    Marki dulinku baashiyo

    Barbarkaaga joogsaday

    Bilicdii naftaaduu

    Baarasaytku doorshoo

    Berigaad dalaaqdaad

    Dib u soo bidhaantee

    Beddel aayatiin laad

    Biligaaga helaysaa

     

    Boqollaal leh joogoo

    Barashiyo leh diinoo

    Naftu ay u bogaysaa

    Beledkeenna joogee

    Bisaddii hagaastee

    Bu’da araggu diideen

    Waa inaad boggaagiyo

    Beerkaba ka saartaa!

     

    Qalinka Yaasiin Axmed Cabdi